Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Ingiriiska

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa aroornimadii hore ee Axaddii lagu dilay Magaalada Sheffield ee waqooyiga dalkaasi Ingiriiska.

Marxuumka ayaa lagu toogtay afaafka hore dhisme ku yaala waddada Callow Drive ee xaafadda Gleadless, ciidamada amniga ayaana goobta gaaray, ka hor intii aanu marxuumka u geeriyoon dhaawicii ka soo gaaray toogashadaasi.

Muwaadinkan Soomaaliyeed oo da'diisa lagu sheegay 20 jir ayaan illaa iyo hadda la garanayn cidda dishay iyo weliba sababta loo bartilmaameedsaday.

Sarkaal u hadlay Booliska Sheffield oo lagu magacaabo Phil Etheridge ayaa sheegay in dilalka ceynkani oo kale ah ay walaac gelinayaan bulshada.

Sarkaalkan ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamo dheeraad ahi la geeyay goobta uu dilku ka dhacay, isla-markaana ay si dhow u baarayaan dhacdadaasi, si loo helo raadka iyo caddeymaha kuwii falkaasi ka masuulka ahaa.

Phil Etheridge ayaa intaasi ku daray in Saraakiisha amnigu ay gacanta ku hayaan baaritaanka fal dembiyeedka ka dhacay magaalada, iyagoona uu yoolkoodu yahay in ay macluumaad ka helaan, sida ay wax u dhaceen.

"Macluumaadka aan uruurinayno waa waddadii aan ku gaari lahayn cidda gaysatay falkaasi." Ayuu yiri Etheridge.

Etheridge ayaa intaasi ku daray "Sidaa darteed, waxaan rabaa inaan fursadan uga faa'iideysto inaan ku booriyo qof kasta oo meeshaasi joogay, oo wax nagu biirin kara in uu la soo xiriiro laamaha amniga."

Boolisku ma sheegin magaca marxuumka, balse waxay sheegeen in geeridiisa ku wargeliyeen qoyskiisa.

Bulshada ku dhaqan xaafadda Gleadless ayaa dilkan ku tilmaamay, kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee ka dhaca xaafaddaasi.