Poland oo ciidan xoog leh soo dhoobeysa xadka ay la wadaagto Belarus

Dowladda Poland ayaa sheegtay in toban kun (10,000) oo askari ay ku kordhineyso ciidamadeeda ka hawlgala xuduudda ay la wadaagto Belarus, ka dib markii ay korortay xiisadda labada dal.

Tani ayaa timid lix toddobaad kadib markii xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner loo raray dalkaasi Belarus.

Mar sii horreysay Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko ayaa ka digay in xoogaga Wagner ay doonayaan inay weeraraan Poland.

Sidoo kale waxaa korodhay tirada dadka muhaajiriinta ee ka gudbaya xadka labada dalka ee gaaraya dalalka Midowga Yurub.

Poland ayaa Belarus iyo Ruushka ku eedeysay inay dhiirigelinayaan muhaajiriintaasi, isla-markaana ay abaabulayaan qulqulka dadka magangelyo-doonka ah, si ay xaalad amni uga abuuraan gobolka.

"Waxaan ka hadlaynaa hawlgal ay soo abaabuleen Sirdoonada Ruushka iyo Belarus oo sii xoogeysanaya." Ayuu Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Poland, Maciej Wasik.

Wasiirka Difaaca Poland, Mariusz Błaszczak ayaa sheegay in dalkiisu uu toban kun oo askari ku xoojinayo ciidamadii horey uga joogay xadka.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca Poland ay ka hortaggayaan waxa uu ku sheegay gardarada.

Madaxweyne Alexander Lukashenko ayaa diblomaasiyiinta reer Belarus faray in ay la xiriiraan Xukuumadda Warsaw, isla-markaana ay xiisadda dejiyaan.

"Waxaan diyaar u ahay inaan wada hadal la galo dalka aan deriska nahay ee Poland." Ayaa laga soo xigtay Madaxweyne Lukashenko.

Sanadkan ayaa la sheegay in 19,000 oo muhaajiriin ah ay isku dayeen inay Poland ka soo galaan dhanka Belarus, tani oo ka badan tirada sanadkii hore la diiwaangeliyay oo ahayd 16,000.

Bishii ina dhaaftay ee July oo keliya in ka badan 4,000 oo muhaajiriin ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan xuduudda.