Raggii weeraray hoolka Crocus oo dib loogu soo celiyay Moscow

Laamaha amniga Ruushka ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya dableyda lagu eedeeyay inay toogashada ka gaysatay Magaalada Moscow oo dib loogu soo celiyay magaaladaasi.

Muuqaalka ayaa laga arki karay raggan oo laga soo dejinayo gaadiid ay leeyihiin ciidamada iyaga oo indhaha u duuban, ayna ciidamadu ku dhex socodsiinayaan Xarunta Hay'adda Nabad Sugidda ee Caasimadda Moscow.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Sabtidii shacabkiisa u sheegay in la soo xiray dhammaan afarta nin ee gaysatay toogashadaasi.

Raggan ayaa habeenkii Jimcaha gudaha u galay hoolka weyn ee bandhig faneedka ee Crocus, xilli ay dadweyne fara-badan kaga qaybgelayaan bandhig ay qabanayeen koox fannaaniin Russian ah.

Raggan ayaa bilaabay inay si aan kala sooc lahayn u toogtaan dadkii halkaasi ku sugnaa, waxaana inta la xaqiijiyay weerarka lagu dilay 137 qof, halka in ka badan 140 kalena ay ku dhaawacantay.

Hay'adaha ammaanka Ruushka ayaa Axaddii sheegay in raggaasi ay sidoo kale adeegsadeen dareere holciya ah, isla-markaana ay dab qabadsiiyeen qaybta hoose ee hoolka, taasina ay qayb ka tahay waxyaabaha sababay dabka weyn ee ka kacay dhismaha.

Dableyda ayay weerarka ka dib u suurtagshay inay ka baxsadaan goobtaasi, ha yeeshee ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay, xilli ay ku sii jeedeen dhanka xadka Ukraine.

Dhismaha Crocus ayaa ah goob muusik oo sidoo kalena leh xarumo laga dukaameysto, waxaana uu ku yaallaa Degmada Krasnogorsk ee waqooyiga Magaalada Moscow.

Madaxa Hay’adda Nabad Sugidda Ruushka, Alexander Bortnikov ayaa sheegay inay si qoto dheer u baarayaan fal dembiyeedka dhacay, si loo ogaado maskaxdii ka dambeysay weerarka.

Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka oo weerarka ku tilmaamay fal argagixiso oo waxashnimo ah ayaa wacad ku maray inay ciqaabi doonaan cid kasta oo ku lug yeelata weerarkaasi.

Weerarka ayaa argagax geliyay shacabka Ruushka oo xilligan aan fileynin weerar ceynkaasi oo kale ah, inkastoo dalka uu dagaal ku jiro.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa si weyn wax uga qoreysa weerarka iyo suurtagalnimada in Ruushku uu weeraro uu kaga jawaabayo ka gaysto dalka Ukraine, waana xilli militarigiisa ay labadii sano ee ugu dambeysay ka dagaalamayeen dalkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Moscow, muddo tobanaan sano ah.