Rasaas xoog leh oo laga maqlay Beledweyne

Wararka ka imanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa rasaas xoog leh laga maqlay magaaladaasi.
Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlay magaalada, ka dib markii Xoogaga Macawiisleyda ee loogu magac-daray Ciidanka Gobolka Hiiraan (Dulmidiid) ay ku siqeen guriga Hoggaamiye Kuxigeenka Hirshabelle, Cabdifitaax Xasan Afrax oo ku yaala dhinaca Ceel-jaale oo magaalada nawaaxigeeda ah.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Macawiisleyda ay rasaas xoog leh ku harqiyeen aagga hoyga Cabdifitaax Xasan Afrax oo gelinkii dambe ee maanta gaaray magaaladaasi.
Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in ciidamadan ay isku dayayaan inay isku wareejiyaan Ceel-jaale, si ay uga hortaggaan in Hoggaamiye Kuxigeenka Hirshabelle uu kulamo siyaasadeed ka bilaabo magaalada, si loo qaboojiyo xiisadaha taagan.
Ciidamo fara-badan oo Macawiisley ah, isla-markaana lugeynaya ayaa caawa fiidkii lagu arkay xaafadaha Beledweyne.
Dhaqdhaqaaqyadan u dambeeyay ee ka soo cusboonaaday magaalada ayaa sare u qaadaya xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka dhashay hannaanka ay Dowladda Federaalka u maamushay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Safarka Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa ku soo aaday saacado uun ka dib, markii Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu gaaray magaaladaasi.
Sanbaloolshe iyo siyaasiyiin kale oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, lagana soo doorto Gobolka Hiiraan ayaa ka shaqeynaya in la dhiso maamul ay leeyihiin dadka deegaanka, kana madaxbannaan Hirshabelle.
Afrax oo Warbaahinta la hadlay, markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne ayaa dadka reer Hiiraan ugu baaqay in nabad iyo wada hadal lagu dhameeyo tabashooyinka ay qabaan.
Afrax ayaa sheegay inuu doonayo in uu la fariisto oo uu qanciyo dadka deegaanka, isagoona yiri "Waxaan rabaa inaan arko tol aan qanciyo ama i qanciyo ayagu."


