Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo sheegay in dalkiisu uusan ka qayb qaadan weerarka Mareykanka ee Venezuela

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa sheegay in London aysan ku lug lahayn hawlgalka ay Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen dalkaasi Venezuela ee lagu soo qabtay Madaxweyne Nicolás Maduro iyo Marwada 1aad ee dalkaasi, Cilia Flores.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump aysan ka wada hadlin wax ku saabsan in la soo xirayo Madaxweyne Maduro.
"Waxaa iska cad inay tahay xaalad degdeg ah." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo intaa raaciyay "Waxa aan dhihi karo waa in UK aysan sinaba ugu lug lahayn hawlgalkan."
Raysal Wasaare Starmer oo la hadlayay Warbaahinta dalkaasi, waxna laga weydiiyay inuu cambaareynayo weerarkaasi iyo in kale ayaa sheegay inuu u baahan yahay in mar hore uu la hadlo Madaxweyne Trump.
Starmer oo sii hadlayay ayaa yiri "Sida aad ogtihiin waxa aan mar walba sheegaa, isla-markaana aan aaminsanahay in aan ilaalino shuruucda caalamiga ah."
Weerarka Mareykanka ee Venezuela ayaa abuuray walaac caalami ah, waxaana laga cabsi qabaa in uu xasillooni darro baahsan u horseedo dalkaasi.


