Raysal Wasaaraha Japan oo booqasho lama filaan ah ku tegay UkraineĀ
Raysal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida ayaa Talaadadii booqasho aan la soo shaacin waxa uu ku tegay Magaalada Kyiv ee xarunta dalka Ukraine, xilli Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping uu booqasho ku joogo dalka Ruushka.
Raysal Wasaaraha Japan oo la kulmay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa socdaalkiisan taageero ugu muujiyay dowladda iyo shacabka reer Ukraine.
Raysal Wasaare Kishida ayaa ubax dhigay bannaanka hore kaniisad ku taala Magaalada Bucha, oo Dowladda Ukraine ay sanadkii hore sheegtay in Ciidamada Ruushka ay ku laayeen boqolaal qof oo rayid ah.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa Raysal Wasaaraha Japan ku tilmaamaay difaaca awood leh oo dhab ah, isagoona difaacaya sida uu yiri nidaamka caalamka uu hadda ku dhisan yahay.
Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in Raysal Wasaare Kishida ay ka filayaan inuu gacan ka gaysto, sidii colaadda dalkaasi loo soo afjari lahaa.
"Waxaan rajeynaynaa in Japan ay dhankooda wax badan sameyn doonaan, si xal loogu helo xaaladda, kama fileyno taasi lidkeeda." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.
Kishida ayaa noqonaya Raysal Wasaarihii ugu horreyay ee Japanese ah ee booqda dal uu dagaal ka socdo, ka dib dagaalkii 2aad ee adduunka.





