Raysal Wasaaraha Jarmalka oo ku hanjabay inay hubka ka joojinayaan Israel

Raysal Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza ku hanjabay in ay hubka ka joojinayaan Israel.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii Golaha Wasiirada Israel ay subaxnimadii Jimcaha ansixiyeen go'aan lagu qaadanayo Magaalada Gaza, isla-markaana ay Israel kula wareegeyso amniga Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Jarmalka ayaa sheegaya in dalkiisu aanu aqbali karin qorshaha lagu xoojinayo hawlgalka militari ee Gaza, haddii uu cawaaqib ba'an ku yeelanayo dadka rayidka ah.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Berlin aysan ogolaan doonin in hubka Jarmalka loo dhoofiyo Israel, si loogu adeegsado Marinka Gaza, illaa amar dambe.

Waxa uu sheegay in ay adkaan doonto in la xaqiijiyo in la soo afjaro dagaalka Gaza iyo in la sii daayo maxaabiista harsan ee nool, waxaana hadalkiisa laga dhadhansan karay in duulaankan cusub uu sababi doono in dad kaloo badani ay dhintaan.

Waxa uu kaloo uu sheegay in illaa amar dambe aanay Dowladda Jarmalka u diri doono Israel hub ay suurtagal tahay in loo isticmaalo Marinka Gaza.

Marka laga soo tago in dunida ay si weyn uga hortimid qorshaha lagu qabsanayo Magaalada Gaza, laguna ballaarinayo hawlgalka dhinaca dhulka ee Marinka Gaza ayaa waxaa sidoo kale diidmo ka muujiyay qoysaska maxaabiista Israel ee lagu haysto gudaha Gaza, kuwaas oo sheegay in qorshahani uu khatar gelinayo nolosha dadka ka maqan.

"Sii deynta la haysteyaasha iyo wada hadalada amaba gorgortanka go'aansan ee xabad joojinta ayaa ah mudnaantayada koowaad." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Jarmalka.

"Tallaabo militari oo aad u adag oo Ciidamada Israel ay ka sameeyaan Marinka Gaza oo Golaha Wasiirada Israel ay ansixiyeen waxay sii adkeynaysaa in la arko, sida lagu gaari karo yoolalkan." Ayuu yiri Raysal Wasaare Friedrich Merz.

Raysal Wasaare Merz ayaa yiri "Xaaladahan oo kale Dowladda Jarmalka ma oggolaan doonto wax dhoofinta agab ciidan ah, oo loo isticmaali karo Marinka Gaza, illaa amar dambe."

Hoggaamiyaha Israel ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay "Dowladda Jarmalka waxay weli si weyn uga walaacsan tahay dhibaatada joogta ah ee bani'aadantinimo ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza. Weerarkan qorsheysan, Dowladda Israel waxay qaadaneysaa masuuliyad ka weyn sidii hore. Waa in ay ogolaato in gargaarka si buuxda loo gaarsiiyo dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee aan dowliga ahayn."

Merz ayaa Israel uga digay inay qaaddo tallaabo kale oo lagu qarameynayo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, waana xilli Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan dowladda uu Benjamin Netanyahu uu madaxda ka yahay ay wadaan qorshe Daanta Galbeed loogu sharciyeynayo Israel.

Ku dhawaaqistan ayaa muujineysa is bedel ku yimid isbahaysiga, oo ahaa mid ka mid ah xulafada caalamiga ah ee Israel.

Jarmalka ayaa tobanaan sano ahaa dalka ugu weyn Yurub ee taageera amniga Israel, isla-markaana siiya kaalmada ugu badan ee qalabka militari, isagoo hagaajinaya sawirka dalka, ka dib xasuuqii uu Naasigii Jarmalka u gaystay dadka Yahuudda, intii uu socday dagaalkii 2aad ee adduunka.