Raysal Wasaaraha Spain oo booqasho ku tegay Ukraine

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez ayaa Sabtidii booqasho aan horey loo sii shaacin ku tegay dalka ay dagaaladu ka socdaan ee Ukraine.

Raysal Wasaaraha ayaa Caasimadda Kyiv kula kulmay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy, isagoona u muujiyay in dalkiisu uu ku garab taagan yahay dagaalka ay dadkiisu kula jiraan Ciidamada Ruushka.

Raysal Wasaaraha oo khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Ukraine ayaa sheegay in Madrid ay si buuxdo u garab taagan tahay dadka reer Ukraine.

"Waan idin la joogi doonnaa inta ay qaadaneyso." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo intaasi raaciyay "Waxaan halkan u joogaa inaan muujiyo go'aanka adag ee Midowga Yurub ee ka dhanka ah gardarada sharci darrada ah Ruushka ee ku wajahan Ukraine."

Mar dambe oo shir jaraa'id ay si wadajira u qabteen Madaxweyne Zelenskyy ayuu ku dhawaaqay in Spain ay Ukraine soo gaarsiin doonto hub casri ah, oo ay ku jiraan afar xabo oo taangiyada Jarmalku farsameeyo ee Leopard iyo gawaarida gaashaaman, waxa kaloo uu sheegay in dalkiisu uu bixin doono 55 milyan oo euro oo dheeri ah, si ay Kyiv uga caawiso baahiyaha dib-u-dhiska.

"Kani waa dagaal gardaro ah oo lagu dhibaateynayo dadka reer Ukraine. Looma wada dhaqmi karo si isku mid ah oo la iska indha-tirayo shuruucda caalamiga, taasi waa sababta aan u taageerno habka nabadda ee Madaxweyne Zelenskyy." Ayuu yiri Raysal Wasaare Sánchez.

Tani ayaa imaanaysa, xilli 1-dii bishan July oo shalay ku beegneyd ay Spain la wareegtay hoggaaminta 6-da bilood ee soo socota ee Midowga Yurub, oo 27 dal ka kooban.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain, Jose Manuel Albares ayaa sheegay in muddo xileedka dalkiisu uu ka shaqayn doono sida uu yiri ka jawaabista duulaanka Ruushka ee Ukraine.