Raysal Wasaare Starmer: Dunida uma dulqaadan karto marmarsiyo dambe oo Israel ah

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa sheegay in dunida aysan u dulqaadan doonin marmarsiiyo dambe oo Israel ay ka keento gargaarka bani'aadantinimo ee la gaynayo Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in xaalad aad u liidato oo bani'aadantinimo ay ka jirto Marinka Gaza, loona baahan yahay in wax laga qabto.

Raysal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay inaanan Israel laga aqbali doonin cudurdaar kale oo xilligan ay ka bixiso xaaladda Gaza.

"Waxaan mar labaad leeyahay Israel, dunida uma dulqaadan doonto marmarsiyo kale oo ku saabsan gargaarka bani'aadantinimo. Dadka rayidka ah ee ku nool waqooyiga Gaza waxay u baahan yihiin cunto, hadda." Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Ingiriiska oo shir jaraa'id ku qabtay Safaaraddooda Berlin.

Israel ayaa lagu eedeeyay in si nidaamka ay u xanibeyso gargaarka aadka loogu baahan yahay, iyadoo qiil ka dhiganeysa inay diiradda saareyso burburinta Xamaas.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in shacabka Falastiiniyiinta ay halis ugu jiraan inay u dhintaan macluul soo fool leh, ka dib markii ay Israel ku eedeysay inay hortaagan tahay in dadka la gaarsiiyo gargaar wax ku ool ah.

Madaxa Hay'adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa ka digay raashiin yarida baahsan ee ka jirta Gaza oo dhan, isagoona dunida ugu baaqay in si degdeg ahi wax looga qabo masiibada gacan ku sameyska ah ee Israel.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa sheegay in loo baahan yahay in dilka Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Yahya Sinwar uu noqdo mid wax ka bedela colaadda Bariga Dhexe.

"Qofna uma barooran Sinwar." Ayuu yiri Raysal Wasaare Starmer oo intaasi ku daray "Waa inaan si wanaagsan uga faa'iidaysanaa xilligan."

Starmer ayaa ku baaqay in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, lana soo afjaro dagaalka ay dadka faraha badan ku dhinteen.

Starmer ayaa u muuqday mid si toos ah ula hadlayay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo habeen hore sheegay inaanan la gaarin dhammaadka dagaalkan.

Netanyahu ayaa hoos u dhigay rajada ah in ay wada hadalo la bilaabaan Xamaas, si Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza loogu soo sii daayo heshiis maxaabiis kala bedesho ah.

Netanyahu ayaa ku hanjabay inay xoog ku soo furan doonaan dadka looga haysto Marinka Gaza, oo tiradooda lagu sheego 101 qof. Dadkan ayaa qayb ka ahaa Israeliyiintii ay kooxaha Falastiiniyiinta ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.

Khalil Al-Hayya oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa Jimcihii wacad ku maray inaanan laga fara maroojin doonin dadkaasi, inta uu socdo dagaalkan.

Xamaas ayaa ku gorgortameysa in si buuxda loo soo afjaro dagaalka, in Ciidamada Israel ay ka wada baxaan meelaha ay ka joogaan Marinka Gaza oo dhan iyo inay iyagu soo qortaan magacyada maxaabiista ay doonayaan in loo soo sii daayo.

Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa haatan ku xiran xabsiyada Israel, kuwaa oo ay ku jiraan Saraakiil iyo xoogag ka tirsan iska caabinta Falastiin.