Raysal Wasaarihii Ireland oo si lama filaan ah isu casilay

Raysal Wasaaraha Ireland, Leo Varadkar ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilayo xilka, sidoo kalena uu ka tanaasuli doono hoggaaminta xisbiga talada haya ee Fine Gael.

Raysal Wasaaraha oo gelinkii dambe ee Arbacadii Warbaahinta kula hadlay Caasimadda Dublin ayaa is casilaaddiisa u sababeeyay arrimo siyaasadeed iyo mid shakhsi ah, labadaba.

"Sababaha aan hadda xilka uga degay waxay la xiriirtaa arrimo shakhsi iyo mid siyaasadeed, laakiin sababta ugu weyn waa midda siyaasadda." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu oo aan bixin faah faahin intaasi dheer.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in xafiiska uu sii joogi doono, illaa iyo inta laga soo dooranayo Raysal Wasaaraha xigga.

Waxa kaloo uu sheegay in la joogo waqtigii ku habboonaa ee uu bannayn lahaa xafiiska.

"Markii aan noqday Hoggaamiyaha Xisbiga Fine Gael iyo Raysal Wasaaraha bishii June ee sanadkii 2017, waxaan ogaa in qayb ka mid ah hoggaamintu ay tahay fahamka, marka ay tahay in aad xilka ku wareejiso qof kale iyo ku dhiiranaanta taas samaynteeda, waqtigaas waa hadda. Sidaasi daraadeed waxaan iska casilaya xilka madaxtinimada iyo Hoggaanka Xisbiga." Ayuu yiri Raysal Wasaare Varadkar.

Varadkar oo 45 jir ah ayaa yiri "Ma lihi qorshe gaar ah oo shakhsiyadeed ama mid siyaasadeed, intaba."

Ku dhawaaqistiisii la yaabka lahayd ayaa imaanaysa, maalmo uun ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden uu ku qaabilay Aqalka Cad, si dhowna ay uga wada hadleen xaaladda cakiran ee ka taagan Marinka Gaza.

Ninkan ayaa si adag u dhalleeceeyay weerarada cadowtinimada ah ee Israel, isagoona garab istaag u muujiyay shacabka Falastiiniyiinta.

Waxa uu ku baaqay in dunida ay u jiheysato hirgelinta xalka laba dowladood oo deris ah, taas oo gobolka ku soo dabaali karta sida uu yiri nabad waarta.

Varadkar ayaa laba jeer soo qabtay jegada Raysal Wasaaraha, intii u dhaxeysay 2017-2020  iyo mar labaad oo xafiiska loo doortay bishii December ee sanadkii 2022.