Ruushka iyo Turkiga oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Iran iyo Israel

Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka xiisadda weyn ka abuuray Gobolka Bariga Dhexe ee u dhaxeeyo Iran iyo Israel.
Madaxweyne Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa waxay cambaareeyeen ficilka xoogga leh ee ka dhanka ah Iran, ka dib markii ay khadka teleefanka ku wada hadleen.
Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo xiisadda ka sii dareysi ee gobolka.
Aqalka Kremlin-ka ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in Moscow iyo Ankara ay ka walaacsan yihiin colaadda sii xoogeysanayso ee u dhaxeysa dalalkaasi.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in colaaddan ay durbaba horseeday tiro badan oo dhimasho ah, cawaaqib xuna ay mustaqbalka fog ku yeelan doonto gobolka oo dhan, haddii uu dagaalkan sii socdo.
Kremlin-ka ayaa sheegaya in loo baahan yahay in arrinta dagaalka iyo barnaamijka nuclear-ka ee Iran loo maro qaabab siyaasadeed iyo hab diblomaasiyadeed, oo ay u arkaan xalka ugu habboon ee lagaga gudbi karo colaaddan.
Aqalka Ak Saray ee Turkiga ayaa isna sheegay in Madaxweyne Erdogan uu muujiyay in Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu khatar ku yahay amniga gobolka, isla-markaana uu gobolku ku riixayo dagaal uu sheegay in aanu xamili karin.
Bayaan ka soo baxay Aqalka Ak Saray ayaa lagu sheegay in rabshadaha haatan ka jira gobolka ay ka masuul tahay xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo, isla-markaana ay weeraradeeda ka dhanka ah Iran ay halis geliyeen amniga Bariga Dhexe oo dhan.
Bayaanka ayaa lagu xusay in habdhaqanka xukuumadda uu Netanyahu madaxda ka yahay ay khatar cad ku tahay nidaamka caalamiga ah, ayna tahay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalkan.
Hoggaamiyaha Israel ayaa isku dayaya in uu dagaalka soo geliyo Mareykanka iyo reer Yurub, taas oo ay ka digayaan xulafada Iran.
Ruushka iyo Shiinaha ayaa ah xulafada ugu weyn dibadda ee Iran, waxayna labaduba cambaaareeyeen weerarka ay Israel Jimcihii ku qaadday goobaha nuclear-ka ee Iran iyo xarumaheeda militariga.