Ruushka oo dib u soo celiyay weeraradiisii Dekedaha Ukraine

Ciidamada Ruushka ayaa dib u bilaabay duqaymahoodii dekedaha dalkaasi Ukraine, xilli ay Isniintii ku ekeyd heshiiskii uu Ruushka kula jiray Ukraine ee ku aaddanaa dhoofinta dalaga beeraha ee dalkaasi.
Ruushka ayaa iska diiday in uu dib u cusbooneysiiyo heshiiskaasi, bacdamaa sida uu sheegay aanay wax faa'iido ahi ugu jirin.
Ciidamada Ruushka ayaa la sheegay in aroornimadii hore ee saakay ay garaaceen Dekedaha Odessa iyo Mykolaiv, oo labaduba ku yaala koonfurta dalkaasi.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in Militariga Ruushka ay Dekedda Odessa ku soo weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxyeelana ay ka soo gaartay kaabeyaasha dhaqaalaha ee dekedaasi.
Sidoo kale dhowr guri oo la degan yahay ayaa la sheegay in burbur ay ka soo gaartay duqaynta, inta la ogyahayna uu nin da' ah ku dhaawacmay.
Duqa Magaalada Mykolaiv, Oleksandr Senkevich ayaa weeraradan ku tilmaamay kuwo halis ah, sida uu ku sheegay bartiisa Telegram-ka.
Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa tallaabada uu Ruushku ku soo cusbooneysiiyay duqaymihiisa ku sheegay, sida Ruushku uu u doonayo in uu halis geliyo buu yiri nolosha 400 oo milyan oo qof oo ku nool dalal kala duwan oo dunida ah, kuwaa oo sida uu sheegay ku tiirsanaa dhoofinta dalaga Ukraine.
Dekedda Odessa oo dhacda Badda Madow ayaa muhiim u ahayd dhoofinta badarka Ukraine, iyadoona muddooyinkii ugu dambeysay ka caaganeyd weerarada dhanka cirka ee Ruushka, waana muddadii sanadka ahayd ee dhaqangalku ahaa heshiiska labada dowladood ee dibadda loogu iibgeynayay qamadiga Ukraine.
Heshiiskan oo garwadeen ay ka ahaayeen Turkiga iyo Qaramada Midoobey ayaa Kyiv ka caawiyay in ay si nabdoon dibadda ugu iibgeyso wax soosaarkeeda beeraha.
Heshiiska ayaa 22-kii bishii July ee sanadkii hore ka dhacay Magaalada Istanbul, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres.
Ruushka ayaa Isniintii sheegay in heshiiska uu dib u cusbooneysiin doono, kolka loo ogolaado in uu caalamka u iibgeeyo sareenkiisa iyo waxyaabaha kale ee loo adeegsado bacriminta beeraha, isla-markaana laga taageero, sidii uu u heli lahaa lacagaha dhakhliga ah ee uga soo xarooda dalagiisa, maadaama ay Reer Galbeedku cunaqabateyn dhaqaale saareen.


