Ruushka oo digniin adag u jeediyay maraakiibta u socdaaleysa Ukraine

Dowladda Ruushka ayaa digniin adag u jeedisay maraakiibta shisheeye ee ku socdaaleysa Xeebaha Badda Madow ee Ukraine, kuwaa oo ay sheegtay in loo tixgelin doono bartilmaameedyo militari, xilli Ukraine ay sheegtay in maraakiibta ay dejin doonto marin ku-meel-gaar ah, si ay u sii wadaan dhoofinta badarkeeda.

"Dhammaan maraakiibta u socdaaleysa Ukraine waxaa loo tixgelin doonnaa inay qayb ka yihiin colaadda Ukraine." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Moscow ay qaadi doonto tallaabo ka dhanka ah maraakiibta, inkastoo aan bayaanka lagu sheegin nooca ay tallaabadaasi noqon doonto.

"Qaybaha Koonfur Bari iyo Waqooyi Galbeed Ukraine ee biyaha caalamiga ee Badda Macdow ammaan uguma ahan socodka maraakiibta." Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Maraakiibta dagaalka Ruushka ayaa hareereeyay Dekedaha Ukraine ee Badda Madow, si aan halkaasi looga daadgureyn dalaga beeraha ee dalkaasi uu dhoofiyo.

Ciidanka Cirka Ruushka ayaa saddexdii habeen ee ugu dambeysay garaacay Dekedda Odessa ee koonfurta dalkaasi, taas oo muhiim u ahayd dhoofinta dalaga beeraha ee ay Ukraine dibadda u iibgeynaysay, ka hor inta aanu Ruushku Isniintii ka bixin heshiiskii sanadka jirsaday ay Kyiv dunida ugu dhoofineysay tacabkeeda beeraha.

Duqaynta ayay burbur ka soo gaartay qalabkii lagu rarayay maraakiibta ee Dekedda Odessa. Sidoo kale goobaha la degan yahay ee magaalada ayay waxyeelo ka soo gaartay duqaynta, waxaana ku dhaawacmay tobanaan qof oo rayid ah.

Duqayntan mid kale oo barbar-socoto ayay Militariga Ruushka ka wadaan Dekedda Mykolaiv ee ku dhow Badda Madow ee koonfurta dalkaasi.

Heshiiska labada dhinac oo ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga iyo Qaramada Midoobey ayaa ku ekaa Isniintii la soo dhaafay, iyadoona uu Ruushku diiday in uu dib u cusbooneysiiyo.

Ruushka ayaa sheegay in heshiiska uu ku soo laaban doono, marka loo ogolaado in uu caalamka u iibgeeyo sareenkiisa iyo waxyaabaha kale ee loo adeegsado bacriminta beeraha, isla-markaana laga taageero, sidii uu u heli lahaa lacagaha dhakhliga ah ee uga soo xarooda dalagiisa, maadaama ay Reer Galbeedku cunaqabateyn dhaqaale saareen.