Ruushka oo ku dhawaaqay xabad joojin saddex maalmood oo hal dhinac ah

Ruushka ayaa maanta ku dhawaaqay saddex maalmood oo xabad joojin ah hal dhinac ah oo laga sameynayo dalka Ukraine, iyadoo Kyiv ay su'aal ka keentay sababta aanay Moscow u aqbalin soddon maalmood oo xabad joojin ah.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabad joojintan oo soconeysa 72 saac, kana bilaabaneysa 8-da bisha soo socota ee May.
8-da May ayaa maalin fasax ka ah dalka Ruushka, waana maalinta dalkaasi looga dabaaldego xuska dagaalkii labaad ee adduunka ee lagaga adkaaday Naasigii Jarmalka. Russian-ka ayaa maalintan ku tilmaama maalintii guusha.
Madaxweyne Putin ayaa Ukraine ugu baaqay inay ogolaato xabad joojintan ay soo jeediyeen.
Ukraine oo si degdeg ah uga jawaabtay baaqaas ayaa waxa uu Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda, Andrii Sybiha uu su'aal ka keenay sababta Moscow ka hortaagan in la dheereeyo muddada xabad joojinta.
"Ruushku haddii uu nabad rabo waa in si degdeg ah u joojiyaan xabadda." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.
"Ukraine waxay diyaar u tahay xabad joojin waarta, xabad joojinta la isku halayn karo oo dhameystiran, ugu yaraan 30 maalmood." Ayuu yiri Wasiirku.
Mareykanka ayaa dhawaan soo jeediyay soddon maalmood oo xabad joojin shuruud la'aan ah. Ukraine ayaana taageertay, halka Ruushku aanu aqbalin.
"Maxaa loo sugayaa 8-da May? Haddiiba aan xabad joojin samayn karno, hadda ha laga bilaabo xabad joojin ku taariikheysan 30 maalmood, si ay u noqoto mid dhab ah oo aan ahayn keliya dhoolatus." Ayuu yiri Andrii Sybiha, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine.
Wasiirka ayaan xaqiijin in dowladda uu ka tirsan yahay ay aqbaleyso xabad joojinta saddexda cisho ee Ruushka uu ku baaqay iyo in kale.
Ruushka ayay ciidamadiisu 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku duuleen dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, ka dib markii dowladda dalkaasi uu ku eedeeyay in ay xiriir adag la sameysatay reer galbeedka iyo in NATO ay ku soo fidday xuduudihiisa.