Ruushka oo markii ugu horreysay ciidan xasillin ah ka hawlgelinaya dhulka Ukraine ee la haysto

Ruushka ayaa markii ugu horreysay ciidamo boolis ah ka hawlgelin doona dhulka Ukraine ee la haysto, ka dib markii ay ku soo bateen falalka dhaca ee dadka rayidka lagu baarto.
Madaxa kooxda calooshaad u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in Saraakiishu ay bilaabeen qorista ciidamada cusub, ee loo diyaarinayo sida uu yiri hawlgalada xasillinta.
Yevgeny Prigozhin ayaa sheegay in ciidamadan booliska ay noqon doonaan kuwo u gaar ah Wanger, si ay uga hawlgalaan dhulka uu Ruushku la wareegay.
Taliska Wagner ayaa barrahooda Internet-ka ku sheegay inay u baahan yihiin ciidan wax ka qabta kuwa dhaca gaysta iyo kuwa kale ee cabsan ee ku sugan goobaha la haysto.
Yevgeny Prigozhin ayaa sheegaya in booliska cusub ay lahaan doonaan awood ay ku soo xiraan Militariga Ruushka ee ku sugan gudaha Ukraine, kuwooda dembiyada gala.
Ninkan oo ku caanbaxay inuu dhalleeceeyo Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa mar kale ku celiyay inaanay wasaaraddu si dhab ahi u wajeynin dagaalka Ukraine.
"Keliya shaqadaada u qabso sida ay tahay." Ayuu yiri Madaxa Wagner oo intaasi ku daray "Waa dhacdo caadi ah in la qabto askari ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka. Waxaa jira qashin badan, waxay u cabaan sida doofaarka, waxaan haynaa dhammaan xirmada waajibaadka."
Xoogaga Wagner ayaa Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ka caawiyay hawlgaladii uu horaan ku qabsaday dhul ballaaran oo dhaca Gobolada Donetsk iyo Luhansk ee bariga dalkaasi Ukraine.


