Ruushka oo sheegay in Ukraine uu ka qabsaday taangiyadii ay Reer Galbeedku siiyeen

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay Ukraine ka qabsadeen taangiyada Leopard ee Jarmalku farsameeyo iyo gaadiidka dagaalka Bradley ee Mareykanku sameeyo.

Wasaaradda ayaa maanta soo bandhigtay muuqaal muujinaya taangiyada Leopard ee ay horaan Reer Galbeedku siiyeen Dowladda Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in kolonyadan ay Ciidamada Ruushka ku qabsadeen dagaal culus oo kuwa Ukraine ay kula galeen jiidda hore Zaporizhzhia ee koonfurta dalkaasi Ukraine, oo ka mid ah meelaha ay Ciidamada Ukraine isku dayeen inay weeraro rogaalcelis ah ka qaadaan.

Muuqaalka ayaa waxaa ka soo muuqday laba ka mid ah taangiyada Leopard iyo laba kale oo ah gawaarida qufulan ee Bradley, oo burbur uu ka muuqanayo.

Warbaahinta Galbeedka ayaa sheegeysa in kolonyada ay Moscow soo bandhigtay ay u muuqdaan kuwo sax ah.

Ka dib duulaankii Moscow ee Kyiv, Ukraine ayaa u muuqato furin ay si maldahan ugu dagaalamayaan Ruushka iyo Mareykanka & Reer Galbeedka oo wada socda.