Ruushka oo si xiriir ah u duqaynaya kooxaha hubeysan ee dalka Suuriya

Ciidanka Cirka Ruushka ee ku sugan dalka Suuriya ayaa duqayn culus ku haya kooxaha fallaagada ee ka soo horjeeda dowladda dalkaasi, iyadoo dagaalka uu u muuqdo mid sii xoogeysanaya.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo ka kacaya Saldhigga Hmeimim ee bariga Magaalada Latakia ayaa si xiriir ah xagga cirka uga garaacaya kooxahaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ruushku uu Axaddii xoojiyay duqaymaha uu kooxahan kula beegsanayo waqooyi galbeed ee Suuriya iyo weliba aagagga dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shalay illaa xalay ay duqaymo culus ka gaysteen Magaalooyinka Aleppo (Xalab) iyo Idlib, oo la soo sheegayo in ay qabsadeen fallaagada.

Sidoo kale diyaaradaha dagaalka Suuriya oo qayb ka ah duqaymaha socda ayaa bartilmaameedsanaya goobaha ay ku sugan yihiin, waxa ay Warbaahinta reer galbeedka ku sheegtay kooxaha mucaaradka, balse ay Ruushka, Iran iyo Suuriya ugu yeereen argagixisada.

Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in duqayn ka dhacday isbitaal ku yaala Aleppo lagu dilay 12 qof, halka sideed kalena ay ku dhimatay duqayn ka dhacday Magaalada Idlib. SOHR waxay sheegtay in in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen duqaymahaasi.

Tan iyo markii uu dagaalku bilowday Arbacadii la soo dhaafay, waxaa dagaalka ku dhintay ku dhawaad afar boqol oo qof, sida ay xaqiijisay SOHR.

Wasaaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in duqaymaha ay ciidamadooda wadaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo Militariga Suuriya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay in Moscow ay taageersan tahay madaxbannaanida dhuleed iyo qaranimada Suuriya, isaga oo intaasi ku daray in ciidamadooda ay dagaal kula jiraan kooxaha argagixisada ee ku soo duulay dalkaasi, sida uu yiri.

Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) oo dagaalka hoggaaminaya ayaa waxaa ku wehlinaya xulafadooda uu Turkigu taageero iyo weliba kooxo kale oo Sunniyiin ah.

Xoogagan ayaa 27-kii bishii November weerar ballaaran ku ekeeyay dhulka ay dowladdu maamusho, iyadoona dagaalkan uu noqonayo kiisii ugu xooganaa ee ka dhaca Suuriya, muddo sanado ah.