Shacabka Israel oo u muuqdo kuwo ay baqdinta ku kordheyso
Duqaymihii Israel ay ka gaysatay dalka Iran ayaa dabka ku sii shiday xiisadda iyo walaaca amni ee muddooyinkanba ka jirtay Gobolka Bariga Dhexe.
Shacabka Israel ayaa la sheegaya in haatan ay dareemayaan baqdin badan, bacdamaa ay suurtagal tahay in Iran ay weerar ku dhufato bartilmaameedyo ku yaala gudaha Israel, iyadoo ka jawaabeysa weerarkii ugu dambeeyay ee Israel uga yimid.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay inaysan jirin wax xad ah, marka ay noqoto in dalkiisu uu is difaaco.
"Waxay ila tahay in aanu muujinay in go'aankayaga ah in difaaceennu aanu lahayn wax xad ah." Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran.
Wasiirka oo wareysi siiyay Shabkadda Wararka ee hoggaamiyaha ugu sarreya ee Iran ayaa sheegay inay difaaci doonaan dhulkooda.
"Waan difaaci doonnaa dalkeenna iyo dhulkeenna hooyo." Ayuu yiri Wasiir Araghchi oo intaasi ku daray "Waxaan u malaynayaa in qof walba uu horey u arkay."
Israeliyiinta ayaa arka in khatar kale ay soo fool leedahay, maadaama Iran ay horey uga dhabeysay inay ka aargudan doonto dilkii Israel ay Hoggaamiyihii Xamaas, Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.
Iran ayaa 1-dii bishan 181 gantaal oo nooca ballaastikada ah ku weerartay Israel, kaasoo muujiyay inaysan jirin awood Iran ka hor istaagi karta inay si sax ah u garaacdo bugcad kasta oo Israel ah.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in duqaymaha ay Israel ka gaysatay dalka Iran ay tahay inay soo afjaraan weerarada tooska ah ee ay labada dal is weydaarsanayaan. Warsaxaafadeed Sabtidii ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Joe Biden ayaa Iran looga digay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii ay dhacdo inay ka jawaabto weerarkaasi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran oo u muuqatay mid ka jawaabeysa digniintaasi ayaa sheegtay in Tehran ay xaq u leedahay inay ka jawaabto ku xadgudubka Israel ee ka dhanka ah sharciga caalamiga ah.
"Dowladda Iran waxay xaqiijineysaa xaqa ay u leedahay inay iska difaacdo gardarrada shisheeye ee hoos timaada xuquuqda is difaaca ee sharciga ah, sida ku cad Qodobka 51aad ee Axdiga Qaramada Midoobey." Ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ku sheegtay qoraal ay soo saartay.
Iran ayaa horey uga digtay in ay jawaab adag ka bixin doonto weerar kasta oo Israel ah, ka dib weeraradeedii gantaal ee ay bilowgii bishan ku harqisay Israel.
Marka aad milicsato wararka ka baxaya Warbaahinta Israel iyo kuwa reer galbeedka ayaad arkaysaa inaanan jug weyn la gaarsiinin Iran, aan ka ahayn inay taasi keeni karto inaanan mar kale la xakameyn gacanta Tehran.
Shacabka Israel ayaa dareensan in maamulkooda uu ka baaqsan karay duqaymihii subaxnimadii Sabtida, si aan looga sii darin xaaladda gobolka, laakiin uu hoggaamiyahooda ku adkeystay in laga jawaabo weerarkaasi, si aan Israel loogu arkin dowlad daciif ah.
Warbaahinta gobolka iyo kuwa galbeedka ayaa Saraakiil aan la magacaabin ka soo xigtay in Iran ay rakibatay illaa kun gantaal oo kuwa guuxooda ka dheeraaya ah, isla-markaana ay ciidamadeedu sugayaan amar oo keliya.
Hase yeeshee Iran ayaa u muuqato mid shuruud ku xireysa aargudashadeeda, taasoo ah in xabad joojin waarta laga sameeyo Marinka Gaza iyo Lubnaan.
Militariga Iran ayaa war ay soo saareen ku sheegay suurtagalnimada inay baajin karaan weerarkaasi, waa haddii la joojinayo dagaalka Gaza iyo Lubnaan.
Ma cadda, sida tani looga dhaadhicin karo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiisa ku dhisan isbahaysiga midigta fog. Netanyahu iyo xertiisa ayaa riixaya in ciidamadu ay dagaalka sii wadaan, illaama laga burburinayo Xamaas iyo Xisbullah, waana xilli ay garowsan yihiin cawaaqibka uu leeyahay dagaalkan.
Warbaahinta ayaa fahamsan in kooxda Netanyahu ay aqbali karaan in xabad joojin laga sameeyo dalka Lubnaan, balse ay adag tahay inay qaataan xabad joojinta Gaza, haddii aysan xulafadooda dibadda cadaadis muuqda saarin.
Xabad joojinta Gaza ayaa fure u ah in xal loo helo daminta holaca ku sii fidaya Bariga Dhexe. Dabkan ka shidan gobolka ayaana ka dhashay dagaalka lagu hoobtay ee ka soconaya Marinka Gaza.
Fallanqeeyeyaasha ayaa ku doodaya in haddii xabad joojin laga dhaqangeliyo Marinka Gaza uu istaagi doono dagaalka Israel iyo Xisbullaahida Lubnaan, haddii Xisbullah ay dagaalkan ugu soo biirtay, sidii loo joojin lahaa weerarada Israel ee Gaza.
Xisbullah waa xulafada Ururka Xamaas ee Falastiin ee ka arrimiya Marinka Gaza.