Shir madaxeedka NATO oo maanta ka furmaya dalka Lithuania

Hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Gaashaanbuuto NATO ayaa saacadihii la soo dhaafay gaarayay dalka Lithuania, halkaas oo lagu wado in maanta uu uga furmo shir laba maalmood soconaya.

Shir madaxeedka oo ka dhacaya Caasimadda Vilnius ayaa arrimaha ugu waaweyn ee looga hadlayo waxaa ka mid ah colaadda dalka Ukraine, sida dalkaasi uga mid noqon karo isbahaysiga iyo doodaha ay dalalka bahwadaagta qaybtood ka keenayn bambada wax gumaadda Cluster ee Mareykanku uu go'aansaday inuu siiyo Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka.

Dowladaha Ingiriiska, Jarmalka, Canada iyo New Zealand ayaa muujiyay walaacooda ku aaddan go'aanka uu Mareykanka bambadaasi ugu daabulayo Ukraine. Sidoo kale Qaramada Midoobey iyo dadka xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ka horyimid go'aankan, tani ayayna u arkaan mid liddi ku ah dadaaladii socday ee dunida lagaga mamnuucayay bamkaasi, oo ay sheegeen in uu khatar ku yahay nolosha dadka rayidka. 120 dowladood oo qaarkood NATO ka tirsan ayaa la ogyahay in ay saxiixeen heshiiska dunida looga joojinayo isticmaalka bambadaasi.

Bambaanooyinka Cluster ayaa waxa uu mid kasta ka kooban yahay boqolaal walxaha qarxa oo yaryar oo ku faafa goobaha la bartilmaameedsado, inkastoo walxahaasi aanay dhammaantood wada qarxin, iyadoo kuwooda aan qarxin ay muddo dheer ku sii jiri karaan dhulka, waana taas khatarta weyn ee laga digayo ee ka dhanka ah rayidka, gaar ahaan carruurta.

Xubnaha isbahaysiga militarigu waxay isku dayi doonaan inay dib u xaqiijiyaan taageeradooda Ukraine, lagana gudbo kala duwanaanshaha jira, si ay u muujiyaan mowqif mideysan oo ka dhan ah duulaanka Ruushka.

Dhanka kale madaxda xulafada qaarkood ayaa sidoo kale ka soo horjeeda in Ukraine lagu soo daro Militariga NATO, taas oo ay u arkaan mid ka sii careysan karta Moscow.

Hoggaamiyeyaasha NATO ayaa la sheegaya in ay fahamsan yihiin in Ukraine aanay xilligan ku soo biiri karin isbahaysiga, balse ay doodoodu ku saleynayaan, sidii mustaqbalka ay xubin uga noqon laheyd bahwadaagta NATO.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa daneynaya in dalkiisu uu gaashaan ka dhigto NATO, marka uu dhammaado dagaalkan ay Ruushka kula jiraan, si Kyiv ay u hesho damaanad amni.

Madaxda NATO ayaa la filayaa in Arbacada ay warmurtiyeed ku muujiyaan taageeradooda ballaaran ee Ukraine, iyagoo mar kale meel kaga soo wada jeedsanaya waxa ay u arkaan gardarada Ruushka.