Toogasho ay dad ku dhinteen oo ka dhacday dalka Austria

Saraakiisha Austria ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan toban qof ay dhinteen, laba iyo toban kalena ay dhaawacmeen, ka dib toogasho maanta ka dhacday magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Graz.

Toogashada ayaa ka dhacday Dugsiga Sare ee Dreierschützengasse, halkaas oo nin hubeysnaa uu ku beegsaday ardaydii iyo macalimiintii ku sugneyd iskuulkaasi.

Booliska ayaa sheegay in ninkaasi oo reer Austria ahaa uu ku hubeysnaa laba qori, oo sida ay sheegeen laga helay goobta. Booliska ayaa xaqiijiyay in ninka toogashada gaystay uu si sharci ah u lahaa hubkaasi, isla-markaana uu haystay shatiga hubka.

Ninkan oo 21 jir ahaa ayaa markii dambe isku dhex dilay suuliga ama musqusha iskuulka, sida ay boolisku xaqiijiyeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Austria, Gerhard Karner ayaa sheegay in dadka dhintay ay yihiin sagaal qof, oo uu ku kala sheegay saddex rag ah iyo lix dumar ah. Tirada guud ee dhimashada ayuuna ku sheegay toban qof, marka lagu daro ninkii toogashada gaystay ee markii dambena is dilay. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in 12 kalena ay dhaawacmeen.

Wasiirka ayaa sheegaya in ninkaasi uu ahaa arday dhigan jiray iskuulkaasi, laakiin uu ka tagey isaga oo aan ka qalin jebin.

Boolisku ma sheegin magaca ninkaasi, balse waxaa la ogyahay in uu ka mid ahaa dadka degan Magaalada Graz.

Ninkan ayaan horey u lahayn diiwaan dembi oo dalka uu ka gaystay, falkan uu ku eedeysan yahayna uu soo jiitay indhaha laamaha amniga, sida ay boolisku sheegeen.

Gerald Ortner, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Styria ayaa sheegay in ninkan uusan ku jirin galka booliska ee dembiyada dalka ka dhacay, hubka loo maleynayo inuu wax ku dilayna ee goobta laga helay uu si sharci ah u haystay.

Raysal Wasaaraha Austria, Christian Stocker oo Warbaahinta kula hadlay magaaladaasi ayaa toogashadan ku tilmaamay masiibo qaran oo ay ka argagaxeen.

"Maanta waa maalin madow oo ka mid ah taariikhda dalkeenna." Ayuu yiri Raysal Wasaare Stocker oo dhanka kalena ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah iyo in hoos loo dhigayo calanka dalka.

"Daqiiqad qaran oo aamusnaan ah ayaa la qaban doonnaa subaxda Arbacada, si loo xusuusto dhibaneyaasha." Ayuu yiri Stocker.

Dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay ka badato tirada hadda laga warqabo, maadaama ay jiraan dad la sheegay inay xaaladdoodu liidato.

Laanqeyrta Cas ee Austria ayaa dadka deegaanka ugu baaqday in ay isbitaalada yimaadaan, si ay dhiig ugu deeqaan.

Wakaaladda Wararka AP ayaa ku warantay in toogashada Talaadadan ay u muuqato weerarkii ugu dhiig daashada badnaa ee ka dhaca Austria, wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee adduunka.

Magaalada Graz oo ah Xarunta Gobolka Styria ayaa ku taala koonfur bari Austria, waxaana magaaladaasi ku nool saddex boqol oo kun oo qof (300,000).