Ukraine oo weerar ku qaadday magaalo 1000km ka fog xuduudda Ruushka

Ciidamada Ukraine ayaa Sabtidii si qoto dheer diyaarado drones ah ugu weeraray xudunta dalka Ruushka, iyadoo ayna waxyeelo u gaysteen dhismayaal la degan yahay.

Diyaaradahan oo aan si dhab ah loo aqoon halka ay ka soo kaceen ayaa duqeeyay Magaalada Kazan ee Gobolka Tatarstan, taasoo 1000km u jirta xuduudda labada dal.

Gudoomiyaha Gobolka Tatarstan, Rustam Minnikhanov ayaa sheegay in sideed drones ah lagu soo weeraray magaalada, isla-markaana ay lix ka mid ah ku dhaceen dhismayaal la degan yahay,

“Mid ayaa ku dhacday dhismo warshadeed, midna waxaa lagu soo riday webi dushiisa.” Ayuu Gudoomiyuhu ku sheegay war uu soo saaray, iyadoona ay diyaaradahaan ahaayeen kuwa is qarxiya.

Warka laguma sheegin cid wax ku noqotay weerarkaasi, marka laga soo tago in uu burbur ka soo gaaray dhismayaasha la beegsaday.

Muuqaal la isku la wadaagay barraha bulshada ayaa muujinaya mid ka mid ah diyaaradaha oo ku duuleysa qaybaha sare ee dhisme dheer, markii dambena lagu dhuftay.

Maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee Ruushka ayaa sheegay in la hakiyay howlihii shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Kazan iyo dhammaan isu imaatinada dadweynaha ee Sabtidii iyo Axaddan.

Weerarkan ayaa daba socda weerar ay Ukraine Jimcihii ku qaadday Gobolka Kursk ee Ruushka, oo ay ku dhinteen lix qof oo ilmo yar uu ku jiro.

Moscow ayaa Kyiv ku eedeysay in ciidamadeeda ay weerarkaasi u adeegsadeen gantaalada ridada dheer ee horey uu Mareykanku u siiyay Ukraine.

Ukraine ayaa kordhisay weerarada ay ka gaysaneyso gudaha Ruushka, xilli Ciidamada Ruushka ay horumar ka sameynayaan, isla-markaana ay dhul ballaaran ka qabsanayaan bariga Ukraine.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa shalay sheegtay in ciidamadeeda ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Kostiantynopolske ee Gobolka Donetsk. Deegaankan ayaa qiyaastii 10km u jira magaalada go’doonsan ee Kurakhove ee bariga Ukraine.