Ukraine oo weerartay bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka
Ciidamada Ukraine ayaa goor dambe oo xalay ahayd weerar drones ku qaaday dhowr goobood oo ku yaala gudaha dalka Ruushka.
Ciidamada Ukraine ayaa tiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray xarun shidaalka lagu kaydiyo oo ku taala Gobolka Oryol, taasoo keentay in dab uu ka kaco goobta.
Gudoomiyaha Gobolka Oryol, Andrei Klychkov ayaa sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday dhisme kaabeyaasha dhaqaalaha ah.
Gudoomiyaha ayaa saaka bartiisa Telegram-ka ku soo qoray in guryaha qaarkood ee gobolka ay muraayadaha ka daateen daaqadaha.
Sidoo kale Gobolada Krasnodar, Bryansk iyo Belgorod ayaa lagu weeraray tiro kale oo drones ah, waxayna masuuliyiinta Ruushka sheegeen in khasaaraha ay gaysteen ay xadidan yihiin.
Vladimir Kondratyev, Gudoomiyaha Gobolka Krasnodar ayaa sheegay in nidaamka difaaca hawada ay ka hortaggeen, isla-markaana ay soo rideen diyaaradahaasi.
Kondratyev ayaa tilmaamay in burburka mid ka mid ah diyaaradaha ay waxyeelo ka soo gaartay guri la deganaa, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.
Gudoomiyaha Gobolka Bryansk, Alexander Bogomaz ayaa dhankiisa xaqiijiyay in toddobo diyaaradood lagu soo weeraray gobolkaasi, balse lagu guuleystay in la soo rido, sida uu yiri.
Gudoomiyaha Gobolka Belgorod, Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay, gurina uu dab ka kacay, markii Ukraine ay soo weerartay buu yiri laba tuulo.
Weerarada lagu qaaday dhowrka gobolka ee Ruushka ayaa yimid, ka gadaal markii Militariga Ruushka ay gantaalo iyo drones ku garaaceen xarumaha tamarta ee Ukraine.
Ciidamada Ruushka ayaa si joogta ah u beegsanaya xarumaha tamarta muhiimka ah ee dalka Ukraine, iyagoo markaasi burburinaya quwadda korontada ee dalkaasi, xilligan oo qabow daran uu ka jiro dalkaasi, dadkuna aysan ka maarmi karin isticmaalka korontada.