Wararkii ugu dambeeyay rabshadaha baahsan ee ka socda dalka Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa dib u dhigay booqasho qaran oo Axaddan uga bilaaban laheyd dalka Jarmalka, sababo ku aaddan rabshadaha ka socda magaalooyinka waaweyn ee dalkiisa ee ka dhashay dilka uu nin askari ahi u gaystay wiil da'yar ahaa oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Algeria.

Madaxweynaha ayaa doonaya in uu wax ka qabto rabshadihii ugu xumaa ee dalkaasi dhaca, muddo xileedkiisan labaad ee uu xafiiska joogo.

Dilka Nahel M oo 17 jir ahaa ayaa kacdoon rabshado wato ka dhaliyay guud ahaan dalkaasi, tan iyo markii habeenkii Talaadada lagu dilay waddo taraafik oo ku taala Magaalada Paris.

Booliska faraha badan ee lagu soo daadiyay bartamaha Caasimadda Paris ayaa u muuqday kuwo xalay xakameeyay dibadbaxyada rabshadaha wata.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska, Gérald Darmanin ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Ciidamada Booliska ay xalay qaadeen tallaabo sharciga lagu ilaalinayo, taas oo horseeday sida uu yiri habeen xasilloon.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad laba kun oo qof, oo loo soo qabqabtay qulqulatooyinka habeenadii ugu dambeysay ka socday dalkaasi.

Wasiirka Caddaaladda, Eric Dupont-Moretti ayaa sheegay in dadka la xiray ay boqolkiiba soddon (30%) ka yar yihiin 18 jir.

Wasiirka Maaliyadda, Bruno Le Maire ayaa sheegay in tan iyo markii ay rabshaduhu ka bilowdeen dalkaasi, inta la ogyahay la bililiqeystay in ka badan 700 oo dukaan, maqaayado iyo laamo bangi.

Booliska ayaa sheegay in dibadbaxayaashu ay bililiqeysteen bakhaar hubka lagu iibiyo oo ku yaala magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Marseille.

Duqa Magaalada Marseille, Benoit Payan ayaa dowladda ugu baaqay inay ciidamo dheeraad ah u soo dirto magaaladiisa, si ay wax uga qabtaan rabshadaha baahsan ee ka jira, ka dib markii Sabtidii la dhaawacay saddex ka mid ah Ciidamada Booliska.

Madaxweyne Macron ayaa si kulul u cambaareeyay dadka dibadbaxyada ka wada dalkaasi, oo lagu eedeeyay inay burburiyeen xarumo dowladeed.

Dibadbaxayaasha ayaa la fahamsan yahay inay ka careysan yihiin dhalleeceynta Booliska Faransiiska loo jeediyo ee ku aaddan in ay si cunsuriyad leh ula dhaqmaan qowmiyadda Carabta iyo dadka madowga ee dalkaasi.

Dadweyne fara-badan ayaa Sabtidii isugu soo baxay aaska Nahel M.