Xamaas oo guul weyn ku tilmaamtay in dadka ku soo laabtaan waqooyiga Gaza
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa guul weyn oo u soo hooyatay Falastiiniyiinta ku tilmaamay in dadka reer Gaza ay dib ugu soo laabtaan guryahooda ku yaala waqooyiga Marinka Gaza.
Ururka Islamic Jihaad oo xulafo la ah Xamaas ayaa dhankooda tani ku tilmaamay mid jawaab u ah, kuwa ku riyoonaya in shacabka laga eryo dhulkaasi, si loo la wareego.
Xamaas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay shacabka bilaabay inay maanta dib ugu soo laabtaan xaafadaha waqooyi ee sida khasabka ah looga barakaciyay ay caddeynayso in uu fashilmay qorshihii cadowga ee uu ku doonayay in xoog uu ku qaato dhulkaasi.
Warka ayaa lagu sheegay in tani ay sidoo kale meesha ka saareyso hadafyada gardarrada cadowga ee jebinta rabitaanka shacabkooda.
Ku dhawaad hal milyan oo qof ayay Israel ka barakacisay waqooyiga Gaza, kuwaa oo ay ku khasabtay in ay badbaado u raadsadaan koonfurta iyo bartamaha Marinka Gaza.
Ka dib 15 bilood oo dagaal ah, boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hadda ku laabanaya waqooyiga Gaza, iyadoo qaybtii ugu horreysayna ay maanta guryahooda dib ugu laabteen, taas oo qayb ka ah heshiiska xabad joojinta ee Xamaas iyo Israel.
Xoogaga Xamaas ayaa la arkayay, iyagoo soo dhaweynaya dadka soo gurya noqonaya. Xoogagan ayaa dadka soo dhaweynayay, iyagoo hubkooda wata.
Shacabka ayaa si weyn ugu faraxsan inay guryahooda ku soo laabtaan, si ay u bilaabaan inay dib u dhistaan.
Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza ayaa dagaalkan ku waayay in ka badan 47 kun oo qof iyo dhaawaca in ka badan 111 kun oo kale. Muddadii uu dagaalku socday Falastiiniyiinta ayaa huray guryahooda, isbitaalada iyo dhammaan kaabeyaasha dhaqaalaha oo si xun loo burburiyay.
Israel ayaa u muuqatay mid ololaheeda militari si gaar ah diiradda ugu saareysay waqooyiga Marinka Gaza, maadaama ay u aragto goob ay xad la leedahay.
Ciidamada Israel ayaa bishii October dib ugu laabtay waqooyiga Gaza, ka dib markii taliskoodu uu sheegay inay ka hortagayaan in Xamaas ay halkaasi dib ugu soo xoogeysato.
Militariga Israel ayaa xaalad bani'aadantinimo ka abuuray dhulka waqooyiga oo dhan, ka dib markii ay is hortaag ku sameeyeen kolonyadii gargaarka, isla-markaana ay burburiyeen isbitaaladii ugu dambeeyay ee sida gaabiska uga shaqeynayay.
Ciidamada Israel ayaa intii u dhaxeysay 6-dii bishii October illaa 18-kii bishan oo keliya, waxay waqooyiga Gaza ku dileen ku dhawaad toban kun oo shacab ah, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen, iyagoo ku marmarsiyoonaya inay la dagaalamayaan Xamaas.
Weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel iyo burburinta sharci darrada ah ee guryaha la degan yahay & kaabeyaasha dadweynaha ayaa ka carreysiisay bulshada caalamka.
Israel ayaa si aan horey loo arag loogu cambaareeyay dilalkeeda ka dhanka ah shacabka aan hubeysneyn, oo ay ku jiraan shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza.
Ujeedka ugu weyn ee Israel ugu duushay Marinka Gaza ayaa ahaa burburinta Ururka Xamaas, waxayse heshiiskan xabad joojinta ay qaadatay, iyadoo Xamaas ay weli maamuleyso dhulkaasi.