Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo cambaareeyay go'aanka ee Ruushka ee badarka Ukraine

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa si adag u cambaareeyay go'aanka Ruushka uu ku diiday in uu dib u cusbooneysiiyo heshiiskii uu kula jiray Ukraine, ee Kyiv dibadda ugu dhoofineysay wax soosaarkeeda beeraha oo ku ekaa Isniintii.
António Guterres ayaa go'aanka Ruushka ku tilmaamay mid dhabar-jab ku ah dadka u baahan sareenka ee ku nool dunida daafaheeda kala duwan.
Guterres ayaa sidoo kale sheegay in go'aankan uu dunida mar kale ku keeni doono sicir barar baahsan.
Ruushka ayaa marar badan ka digay inaanu faa'iido muuqan ku qabin heshiiskan, tiiyoo aanay cidina wax dheg jalaq ah u siinin.
Caalamka ayaa hadda ka digaya xiisad dhaqaale oo dunida soo food-saarto, haddii Ruushku aanu dib u cusbooneysiin heshiiskaasi.
Heshiiskan oo garwadeen ay ka ahaayeen Qaramada Midoobey iyo Turkiga ayaa gacan ka gaystay in Ukraine ay si nabadgelyo leh Dekedda Odessa uga dhoofiso qamadigeeda.
Moscow ayaa dooneysa in loo ogolaado in dunida ay u dhoofiso sareenkeeda iyo waxyaabaha loo isticmaalo bacriminta beeraha, isla-markaana laga taageero, sidii ay ku heli lahayd lacagaha dhakhliga ah ee uga soo xarooda tacabka beeraha, bacdamaa ay Reer Galbeedku saareen cunaqabateyn dhaqaale.
Ruushka iyo Ukraine ayaa ka mid ah dalalka dibadda u iibgeeya qamadiga ugu badan ee caalamka laga isticmaalo.


