Xukuumadda Giorgia Meloni oo culeyskii ugu weynaa kala kulmeysa shacabka Talyaaniga
Mudahaaraad rabshado wata ayaa maanta ka socda dalka Talyaaniga, oo shacabka ay ku dalbanayaan in dowladdoodu ay ku biirto dalalka reer galbeedka ee aqoonsanaya dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.
Kumanaan qof ayaa iyadoo ay Isniintan tahay maalin shaqo isugu soo baxay tobanaan ka mid magaalooyinka dalkaasi, iyagoona xayiray isu socodka baabuurta, tareenada, goobaha waxbarashada iyo xitaa dekedaha.
Laga soo bilaabo min Milan illaa Palermo, shacabka ayaa isugu soo baxay waddooyinka ugu yaraan 75 degmo oo dalka oo dhan ah. Magaalooyinka Genoa iyo Livorno, shaqaalaha doonyaha ayaa xanibay dekedaha, iyaga oo sabab uga dhigaya walaaca laga qabo in Talyaaniga loo isticmaalo goob laga daabulo hubka la gaynayo Israel.
Shacabka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay in ay ka carreysan yihiin jawaab la'aanta Xukuumadda Raysal Wasaare Giorgia Meloni ee xasuuqa Israel ee Gaza iyo in aysan diyaar u ahayn in Rome ay aqoonsato Dowladnimada Falastiin.
Shacabka ayaa dowladda midigta fog ee Giorgia Meloni ku cadaadinaya in aysan ka harin duufaanta siyaasadeed ee ruxeysa dunida galbeedka ee lagu taageerayo xalka laba dal oo deris ah, si loo soo afjaro colaadda Israel iyo Falastiin ee muddada dheer ka taagan Gobolka Bariga Dhexe.
Ciidamada amniga ayaa isku dayaya in ay xakameeyaan dibadbaxayaasha carreysan ee burburinaya goobaha ganacsiga qaar ee magaalooyinkaasi.
Ururada aasaasiga ah ee Talyaaniga ayaa ku baaqay shaqo joojin guud oo 24 saac ah, si culeys loogu saaro dowladda dalkaasi in ay si dhakhsa ah ugu dhaqaaqdo inay aqoonsato Falastiin.
Dadka horkacaya mudaaharaadka ayaa Giorgia Meloni ku eedeeyay in ay iska dhega tireyso rabitaanka shacabka, ee ah in Rome ay bedesho go'aankeeda taageerada ee Israel.
Shacabka Talyaaniga ayaa in muddo ahba ka bannaanbaxayay jawaab la'aanta dowladda ee wax ka qabashada dembiyada dagaal ee Israel ka waddo Marinka Gaza iyo in la hagaajiyo xaaladda bani'aadantinimo ee dadka rayidka ah.
Shacabka ayaa la sheegay inay aaminsan yihiin in cadaadis dheeraad ah oo dowladda la saaro ay keeni doonto in ay ka laabato taageeradeeda Israel.
Warbaahinta galbeedka ayaa mudaaharaadkan ruxay Talyaaniga ku sheegtay mid ka mid ah mudaaharaadyadii ugu weynaa ee guud ahaan Yurub ee looga soo horjeedo duulaanka Israel ee Marinka Gaza.
Faransiiska ayaa hoggaaminaya is bedelka siyaasadeed ee ka jira dalalka reer galbeedka ee lagu yegleelayo dhismaha Dowladda Falastiin.
Illaa iyo hadda dalalka sida rasmi ah toddobaadkan u aqoonsanaya Falastiin ayaa kala ah Ingiriiska, Faransiiska, Belgium, Portugal, Malta, Luxembourg, Andorra, Australia iyo Canada.
Dalal kale oo hor leh ayaa waxaa suurtagal tahay in aqoonsigooda Falastiin ay kaga dhawaaqaan muddada uu Magaalada New York ka socdo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.