109 qof oo ku dhintay daadad ka dhashay roobab mahiigaan oo ka da'ay Rwanda

Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan 109 qof ayaa ku dhintay dalka Rwanda, ka dib daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay dalkaasi.

Roobabka oo bilowday fiidnimadii xalay ayaa si weyn u saameeyay Gobolada Galbeedka iyo Waqooyiga ee dalkaasi, iyadoona ay sababeen in daadad ku soo rogmadaan xaafado la degan yahay.

Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka ay baadigoob ugu jiraan, haddii ay jiraan dad nool oo ku xaniban guryaha.

Gudoomiyaha Gobolka Galbeedka Rwanda, François Habitegeko ayaa sheegay in gobolkiisa oo keliya ay ku dhinteen 95 qof.

“Muhiimadayada ugu weyn hadda waa in aan gaarno guri kasta oo waxyeelo soo gaartay, si aan u xaqiijino in aan badbaadin karno qof kasta oo laga yaabo in uu ku go’doonsan yahay." Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Afhayeenka Dowladda Rwanda, gabadha lagu magacaabo Yolande Makolo ayaa sheegtay in xaalad aad u adag ay ka jirto gobolka ku yaala galbeedka dalkaasi.

Hay'adda Saadaasha Hawada ee Rwanda ayaa horey digniin uga soo saartay in roobab daadad wato laga yaabo in ay ka da'aan goboladaasi.

Hay'adda ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in dalka ay ka da'aan roobab ka badan, intii celcelis ahaan la filayay bishan May.