16 qof oo ku dhaawacantay weerar ay Xuuthiyiinta ka gaysteen Israel
Dhowr iyo toban qof ayaa ku dhaawacantay weerar ay Xuuthiyiinta Yemen waaberigii hore ee saaka ka gaysteen Magaalada Tel Aviv ee bartamaha Israel.
Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom ayaa sheegay in 16 qof laga daweeyay dhaawacyo fudud oo ka soo gaaray gantaal laga soo tuuray dalka Yemen.
Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in gantaalku uu ku soo dhacay magaaalda ugu weyn Israel ee Tel Aviv, ka dib markii lagu guuldareystay in la soo rido.
Militariga ayaa war ay soo saareen ku sheegay in la baarayo, sababta aanay nidaamka difaaca hawada uga hortagin gantaalkaasi.
Dhawaqa seeriga digniinaha ayaa is qabsaday bartamaha Israel oo dhan, ka hor inta aanu gantaalka ku soo dhicin Tel Aviv.
Warbaahinta Xuuthiyiinta ayaa ku warantay in Ciidamada Yemen ay gantaal ballaastik ah ku weerareen bartilmaameed militari oo ku yaala Tel Aviv.
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegaya in weeraradooda ay sii socon doonaan, inta xasuuqa uu ka socdo Gaza, lagana soo afjaro go'doominta saaran.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in nabadda Israel ay ku xiran tahay in la joojiyo xasuuqa lagu hayo dadka Gaza iyo in la qaado go'doominta muddada dheer saaran.
General Saree ayaa sheegay in weerarada kaga imanaya Mareykanka iyo Israel aysan ka joojin doonin in shacabka Yemen ay taageeraan buu yiri walaalahooda Falastiin.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Khamiistii garaacay kaabeyaasha dhaqaalaha Yemen, taasoo jawaab u ahayd laba gantaal oo Xuuthiyiinta ku weerareen gudaha Israel.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa khudbaddiisa toddobaadlaha ee Khamiis kasta uu jeediyo ku sheegay inaysan joojin doonin weeraradooda ku wajahan Israel, keliyana ay istaagi doonaan marka la soo afjaro weerarada cadowtinimada ee ay Israel ku hayso dadka reer Gaza iyo gurmadka bani'aadantinimo ee dadkaasi loo diidan yahay.














