20 Urur Siyaasadeed oo keliya oo soo gudbiyay xubnaha ku metelaya doorashada Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa saqdii dhexe ee xalay shaaciyay in 20 Urur Siyaasadeed ay soo dhameystireen musharaxiinta kaga qaybgelaya Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddiga Doorashooyinka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu soo xirmay hannaankii qabashada ee liiska musharaxiinta.
Doorashadan ayaa waxaa horaantii sanadkan isku diiwaangeliyay 61 Urur Siyaasadeed, iyadoona Guddiga Doorashooyinka uu 24-kii bishii November uu muddo laba toddobaad ah ku kordhiyay waqtiga kama dambeysta ah ee ururadu ku soo gudbin karaan xubnaha ku metelaya doorashada, oo ka bilaabaneysay 25-kii November, kuna ekeyd 10-kii December oo Arbacadii ku beegneyd.
Tani ayaa ka dhigan in inta badan Ururada Siyaasadda ay ka hareen ka qaybgalka doorashadan, oo lagu wado in 25-ka bishan ay ka qabsoomto Magaalada Muqdisho.
"Waxaan si rasmi ah u shaacinaynaa in uu xirmay hannaanka qabashada Liiska Murashaxiinta Ururada Siyaasadda, kaas oo ku bilowday 12, ka dibna gaaray 18, ugu dambayna ku soo xirmay 20 Urur Siyaasadeed oo si rasmi ah u soo gudbiyay Liiska Murashaxiintooda Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir." Ayaa lagu yiri warka Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Ururada la shaaciyay inay soo gudbiyeen musharaxiintooda
Ramaas
Towfiiq
Karaama
Saab
Horumar & Midnimo Qaran
Muwaadiniinta Soomaaliyeed
Midnimada Shacabka
Qaranka ee Dimoqraadiyadda
Qiimo Qaran
Caddaaladda iyo Wadajirka
Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed
Madalsan
Horyaal Qaran
Socod
Dowlad Wanaaga Soomaaliyeed
Caddaaladda iyo Midnimada Tiir
Soomaalinimo
Qaransoor
Sincad
Dadka Soomaaliyeed


