88 qof oo shacab ah oo lagu dilay Marinka Gaza

88 qof oo dad shacab ah ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay Marinka Gaza, xilli Ciidanka Cirka Israel ay sii wadaan duqaymaha ay sida arxandarrada ah ugu bartilmaameedsanayaan xaafadaha ay gabaadsanayaan qoysaska barakacayaasha.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in sidoo kale ay duqaymahaasi ku dhaawacmeen 208 qof oo dad shacab ah.

"Ciidamada Israel ayaa 88 qof oo dad rayid ah ku dilay shan xasuuq oo loo gaystay qoysas." Ayay wasaaraddu ku sheegtay warbixinteeda maalinlaha ah.

Weerarada ballaaran ee Israel ka gaysatay Marinka Gaza ayaa tan iyo markii uu dagaalku bilowday lagu dilay 45,805 qof, waxaana lagu dhaawacay 109,064 qof, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Tirooyinka ay wasaaraddu cusbooneysiinayso maalinba maalinta ka dambeysa ayaa ah wax aad looga argagaxo, iyadoona kororka dhimashada iyo dhaawaca shacabka aan waxba galabsan uu aad u badan yahay.

Sida ku cad tirakoobka wasaaradda, inta badan dhibaneyaasha dagaalka ayaa ah haweenka iyo carruurta Gaza.

Dilka iyo dhaawaca lagu hayo shacabka aan waxba galabsan ayaa waxaa u dheer in laga hortaagan yahay gargaarka bani'aadantinimada ee ay aadka ugu baahan yihiin.

Caddeymaha oo dhan waxay farmuuqayaan in Israel ay xaalad aan la arkin gelisay dadka rayidka ah, isla-markaana ay isku dayeyso in ay uga sii darto.

Xafiiska Xuquuqulka Insaanka Qaramada Midoobey iyo Hay'adaha U Dooda Xuquuqul Insaanka ayaa Israel ku eedeeyay in dembi dagaal iyo dembiyo ka dhanka ah bani'aadantinimada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Israel ayaa si indha la'aan ah u beenisa eedeymaha loogu jeedinayo in dagaalkeeda uu yahay mid ka dhan ah shacabka Falastiin.