Aabe iyo wiil uu dhalay oo dhakhaatiir ahaa oo lagu dilay Marinka Gaza

Aabahan iyo wiilkiisa ayaa ka mid noqday illaa sagaal qof oo xalay caweyskii ay Ciidamada Israel ku dileen duqayn ay ka gaysteen deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.

Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Israel ayaa beegsatay dhisme ay dad rayid ah deganaayeen oo ku yaala deegaankaasi.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa ku warantay in dhakhtarka qaliinka carruurta ee Dr. Muhammad Nimr Qazaat oo 72 jir ahaa iyo wiilkiisa Youssef oo 33 jir, ahaana dhakhtar ilkaha ah ay ka mid yihiin dadka ku dhintay duqaynta ka dhacday Deir Al-Balah.

Dr. Muhammad Nimr Qazaat ayaa ka mid ahaa dhakhaatiirta Falastiiniyiinta ee sida weyn looga garanayo Marinka Gaza.

"Qazaat wuxuu ahaa mid ka mid ah aasaasayaasha dhakhaatiirta qaliinka carruurta ee Marinka Gaza." Ayuu yiri Dr. Fadel Naim oo warkan ku sheegay bartiisa X.

Dhammaadkii bishii March ayay ahayd, markii Ciidamada Israel ay haweeney dhakhtar ahayd iyo wiil ay dhashay oo isna dhakhtar ahaa ku dileen Isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga Gaza, xilligaas oo Israel ay sheegtay inay baadigoobeyso dad Israeliyiin ah oo Xamaas ay ku haysato isbitaalkan, balse ay burburisay isbitaalkaasi, illaa heer ay gaarsiisay mid aan shaqayneyn.

Dhanka kale diyaaradaha dagaalka Israel ayaa sidoo kale xalay duqaymo culus ka gaystay deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan Deir al-Balah.

Duqaymaha baahsan ee ay Israel dib uga bilowday koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Gaza ayaa galaafanaya nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa Arbacadii ku hanjabay in ay ballaarin doonaan gulufkooda militari ee guud ahaanba qaybaha Marinka Gaza.

“Hawlgalka waxaan si buuxda uga samayn doonnaa gebi ahaanba Marinka Gaza, haddii ay noqoto koonfurta, bartamaha iyo waqooyigaba.” Ayuu yiri Gallant.

Israel ayaa duqaymaheedan dib u soo cusbooneysiisay, xilli ay horey u burburisay inta badan kaabeyaasha rayidka iyo dhismayaashii la deganaa ee Marinka Gaza.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa mar sii horreysay sheegay in burburinta ballaaran ee lagu hayo dhismayaasha Gaza, dilka iyo gaajeysiinta dadka rayidka ah ay u dhigmaan dembiyo dagaal.