Afar ka mid ah Ciidamada Israel oo lagu dilay waqooyiga Gaza

Ugu yaraan afar ka mid ah Ciidamada Israel ayaa Sabtidii lagu dilay waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo lix kalena lagu dhaawacay.

Taliska Militariga Israel ayaa xalay sheegay in askarta lagu dilay qarax lagu la eegtay deegaanka Beit Hanoun iyo rasaas ka dambeysay oo lagu furay.

"Baaritaanka hordhaca ah ayaa muujinaya in ciidamada lala beegsaday qarax ay waddada ku aaseen rag hubeysan, kuwaas oo sidoo kale rasaas ku furay." Ayaa lagu sheegay war uu soo saaray Militariga Israel

Warka ayaa lagu yiri "Lixda askari ee dhaawaca ah ayay laba ka mid ah xaaladdoodu halis tahay." .

Askarta geeriyootay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Alexander Fedorenko 37 jir, Danila Diakov 21 jir, Yahav Maayan 19 jir iyo Eliav Astuker oo isna 19 jir ahaa.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka tacsiyeeyay astarta shalay galab looga dilay Beit Hanoun, isagoona sheegay in ay u dhinteen difaaca dalkooda, sida uu yiri.

Ciidamada Israel ayaa horaantii bishii October ee sanadkii 2024 ku laabtay waqooyiga Gaza, si looga hortago waxa uu taliskoodu ku sheegay in Xamaas ay dib ugu soo xoogeysato.

Dagaalka Gaza oo galaaftay nolosha dad fara-badan oo rayid ah ayaa bilowday bishii October ee sanadkii 2023.