Agaasimaha Hay'adda NISA iyo Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo nabadeyn u jooga Hirshabelle

Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda ayaa maalintii 3aad ku sugan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Masuuliyiintan ayaa Khamiistii u tegay degmadaasi, sidii loo xoojin lahaa dadaalada nabadeed ee lagu dhexdhexaadinayo laba maleeshiyo beeleed, oo ku wada dagaalamay deegaanada ku dhow dhow xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

27-kii bishii hore ee March ayay ahayd, markii illaa 300 oo guri iyo goobo ganacsi lagu gubay tuulada Eji, oo u dhaxeysa Degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Dhacdadan ayaa ka dambeysay, ka gadaal markii maleeshiyo beeleed weerartay tuulada ay dab qabadsiiyeen tuuladaasi.

Eji ayaa qiyaastii 21km koonfur bari kaga beegan Degmada Jalalaqsi, halka ay 52km jihada waqooyi kaga toosan tahay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxgaradka Eji ayaa mar sii horreysay sheegay in saddex meelood oo laba meel la gubay guryihii tuulada.

Dhacdadan ayaa salka ku haysay xiisad ka dhalatay aano qabiil, oo u dhaxeysay laba beelood oo ka mid beelaha wada dega deegaanada dhaca xadka goboladaasi.

Ujeedada wafdiga Sanbaloolshe, Shuute iyo Cali Jeyte ayaa ah in la dhameeyo colaadda beelaha, ka dibna loo jiheysto dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxgaradka deegaanka ugu baaqay in laga gudbo colaadda beelaha, loona istaago la dagaalanka maleeshiyada Shabaabka.

"Qof kastoo dulmane ahna xaqiisa inuu helo, si Islaamnimada, Sharciga Islaamka iyo dowladnimada lehna inuu ku lehaa ka shaqeynaynaa, haddii Ilaahay yiraahdo. Ma ogolin qof qof inay dulmiso, mana ogolin qabiil inuu qabiil kale dulmiyo, haddii Ilaahay yiraahdana maanta ka dib qabiil meel isbaaro u ooleyso ma jiri doonto, warkaygana iska dheh ma ahanee, waxaan jeclahay inaan fulino oo arrinkaasi ay dhab noqoto." Ayuu yiri Sanbaloolshe oo ka hadlayay kulan ay Degmada Aadan Yabaal kula yeesheen mid ka mid ah labada beelood ee ay colaadda u dhaxeyso.

Sanbaloolshe iyo xubnaha kale ee la socdo ayaa lagu wadaa in ay halkaasi uga sii gudbaan dhinaca Gobolka Hiiraan, si ay ula kulmaan garabka kale.

Isku dhacyada beelaha oo in muddo ahba ku soo noqnoqday Gobolada Dhexe ayaa loo arkaa mid wiiqi karta hawlgalada lagu la dagaalamayo Shabaabka.