Al Shabaab oo carqaladeysay hawlgalkii Hirshabelle iyo Galmudug

Militariga Somaliya ayaa 27-kii bishii January ku dhawaaqay in wejiga labaad ee hawlgalka uu ka bilowday Gobolka Hiiraan, si loo soo afjaro joogitaanka kooxaha argagixisada ee gobolkaasi. Qorshaha ayaa ahaa in Al Shabaab laga sifeeyo deegaanada bariga gobolkaasi ee dhaca jiinka Webiga Shabelle, ka hor inta aysan ciidamadu sahansan daanta galbeed ee gobolkaasi oo maleeshiyadu ay ku xidideysatay.
Hawlgalka ayaa sidoo kale waxa uu bartamihii bishii February ka bilowday Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoona ciidamadu ay maleeshiyada ka saareen deegaano ku dhow dhow hareeraha webiga ee bariga gobolkaasi. Hawlgalka ayaana ku bilowday in marka hore maleeshiyada laga ciribtiro deegaanadii koobnaa ee ay kaga harsaneyd bariga labada gobol ee Hirshabelle, waxaana xusid mudan in dhaqdhaqaaq kaloo ciidan uu ka bilowday Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Dagaalka ayaa weji kale yeeshay, ka dib markii Shabaabku ay 20-kii bishii February mar keliya ay si aan la arkin u soo hujuumeen deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe. Shabaabka ayaa weeraradoodaan la yaabka leh ku qabsaday in ka badan 10 deegaan oo ka tirsan bariga gobolkaasi.
Weeraradan ayaa dharbaaxo ku noqday hawlgalkii dhulka dahabiga ee la qorsheeyay in Al Shabaab looga kiciyo deegaanada ay ka maamusho Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Maleeshiyada oo sii wadday weeraradeeda is ballaarinta ee Hirshabelle ayaa bishii March mar kale dhul cusub ka qabsatay Gobolka Shabellaha Dhexe, oo laga xusi karo Degmada Alkowsar iyo deegaanada Ceel Cali Axmed, Masaajid Cali Gaduud iyo Geelgub.
Dowladda Federaalka ayaa bishaasi gashay xaalad aan xasillooneyn, waxayna cuddudeeda isugu gaysay gobolkaasi, iyadoo xitaa ciidamadii ka hawlgalayay saddexda gobol ee kale qaybtood u soo daabushay gobolkan, si loo joojiyo weerarada Al Shabaab, loona sii wadi lahaa hawlgalka.
Dowladda Madaxweyne Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii la kulantay jug kaloo lama filaan ahayd, ka dib markii maleeshiyadu ay weerar ballaaran ku soo ekeysay, kuna qabsatay Degmada Aadan Yabaal.
Aadan Yabaal waxay hadda ahayd taliska ugu weyn ee Militariga Somaliya uu ku leeyahay Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waana Aadan Yabaal oo Al Shabaab laga saaray sideed iyo labaatan bilood ka hor, ka dib dhowr iyo toban sano oo maleeshiyadu ay ka arrimineysay degmadaasi istiraatiijiga ah.
Arbacadii, shacabka ayaa ku kadsoomay ciidamada oo si kedis ah uga soo baxay deegaanka Aboorey ee bariga Gobolka Hiiraan, halkaas oo sideed cisho ay kula dagaalamayeen, kuna go'doomiyeen dagaal-yahano ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab. Maleeshiyada oo neef weyn ay ka soo fuqday ayaa saacado gudahood kaga soo baxday godadkii ay kaga uruursaneyd xaafad ka mid ah xaafadaha Aboorey, waxayna taasi u sahashay in ay durbaba soo kubaareeyaan deegaanka Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde. Maleeshiyada ayay Khamiistii u suurtagashay in ay si buuxda Buuloburde uga soo xirto waddadii u furneyd ee tageysay Magaalooyinka Moqokori iyo Maxaas.
Al Shabaab ayaa u soo qalab qaadatay bariga Hirshabelle, maadaama ay arki kartay in guluf weyn uu kaga soo wajahnaa, taasna ay dhibaato ku noqoneysay masiirkeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, si la mid ah wejigii koowaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka oo ka dhashay kacdoon dadweyne oo ka bilowday Gobolka Hiiraan, balse markii dambe ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, isla-markaana looga saaray inta badan dhulkii ay ka haysatay Gobolada Dhexe, inkastoo qaybtood ay dib ugu soo laabatay.
Al Shabaab ayaa garowsatay in Hirshabelle oo laga ciribtiro ay natiijo wanaagsan u tahay Dowladda Federaalka, isla-markaana ay khatar dhab ah ku tahay jiritaankeeda mustaqbalka ee dalka.
Shabaabka oo taasi ka duulaya ayaa sawirtay in weerarku uu ka wanaagsan yahay difaaca, mana sugin inta weerar kale looga saarayo galbeedka labada gobol ee Hirshabelle oo ay ku xidideysteen, sidaasi daraadeedna ay markan hadafka uga dhiganayaan deegaanadii xorta ahaa ee horaan laga saaray.
Khubarada amniga ayaa kuu sheegaya in Al Shabaab ay dagaalkeeda si toos ah ugu soo rartay bariga Hirshabelle, haddii aysan dooneyn inay lumiso galbeedka Hirshabelle oo ku dhawaad labaatan sano ay iyadu gacanta ku haysay.
Al Shabaab ayaa waxay u muuqataa inay sii kordhineyso weeraradeeda Hirshabelle, gaar ahaan Gobolka Shabellaha Dhexe oo muhiim u ah qorshaha ay dowladdu dalka ku gaarsiineyso doorasho qof iyo cod ah.
Kororka weerarada Al Shabaab ayaa calaamad u ah, sida maleeshiyada ay uga go'an tahay, sidii ay u wiiqi lahayd wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee qasdigiisu ahaa in lagaga saaro deegaanada Hirshabelle iyo weliba Galmudug.
Dowladda Federaalka ayaa la kacaa kufeysa, sidii ay u joojin lahayd weerarada Shabaabka guur-guura, ka hor inta aan dib looga riixin deegaanadii ay dhawaan qabsadeen, isla-markaana aanba laga saarin dhulkii loo socday ee ay horey uga haysteen deegaanada Hirshabelle.
Xaaladdan khalafsan ayaa la aaminsan yahay inay ka dhalatay hakadka bishii January ee sanadkii 2024 ku yimid hawlgalkii militari ee Al Shabaab lagu la dagaalamayay, kana socday labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug.
Dowladda Federaalka ayaa hoos u dhigtay mudnaantii uu u lahaa la dagaalanka Al Shabaab, ka dib 14 bilood oo uu socday guluf dagaal oo lagu wiiqay awoodda Shabaabka bartamaha dalka. Dowladda Federaalka oo dagaalka ka sii jeedsatay ayaa diiradda saartay wax ka bedelka cutubyo ka tirsan Dastuurka KMG iyo arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoona gashay is qabqabsi siyaasadeed.
Shabaab oo fursaddaasi ka faa'iideystay, dibna isu soo xoojiyay ayaa maanta gaysanaya weeraro ay ku qabsanayaan dhulkii la xoreeyay laba sano horteed, bedelkii ay ahayd in la sii wado hawlgalkii jiridda loogu siibayay ee looga soo afjarayay afarta gobol ee isku aagga xisaabsan.
Weeraradoodan ayaa Dowladda Federaalka khasab kaga dhigaya in shaqadii ay qabyada uga tagtay ay hadda ka soo bilowdo eber, haddii ayba maalmaha dhow maareyso weerarada kooxaha argagixisada.
Wax kasta oo khaldama waxay leeyihiin toosan iyo dhaliil, dowladdanse waxay dad qaarkii qabaan inaysan ahayn middii taasi ka garaabi lahayd, falcelinta ka dhalatayna ay maanta cid kasta ku baraarugsan tahay.
Siyaasiyiinta iyo dhaqanka qaar ee dhaliilsan siyaasadda Villa Somalia ayaa ku andacoonaya in wax u sheeg ay kala quusteen dowladda uu Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo.
Villa Somalia ayay la gudboon tahay in ay albaabada u furto dadka jecel dowladnimada, si ay u dhageysato, waxna looga qabto khaladaadka aan iyada u muuqan, balse ay dadka arki karaan meelaha ay daldaloolooyinka ka jiraan, bacdamaa hal doon la wada saaran yahay, xaaladda jirtana ay isku si u saameynayso amaba u taabaneyso.
Culeyska ka jira goobta dagaalka ayaan la aqoon sida looga gudbi doono, haddii aysan Madaxda Qaranku hoos u eegin waaqaca/waaqici jira, iyadoo tanaasulkoodana aan looga maarmi karin dheeli-tirka awoodda ciidan ee jiidaha hore.