Amniga Puntland oo la adkeeyay, doorashada awgeed

Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn u adkeynaya amniga deegaanada Puntland, oo ay ku jirto Magaalada Garoowe oo Isniinta ay ka dhici doonto Doorashada Madaxtinimada Puntland.
Guddiga Amniga Doorashada Puntland ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray awaamir cusub oo la xiriirta doorashadaasi.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General Muumin Cabdi Shire oo ka mid ah Guddiga Amniga Doorashada Madaxtooyada ayaa sheegay in awaamiirtu ay tahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaanada Puntland iyo goobta ay doorashada ka dhaceyso, oo ah Magaaalda Garoowe.
"Laba dhinac baan ugu diyaargarownay, midna waa in guud ahaan amiga la sugo dalka oo dhan, maadaama uu doorasho gelayo, midda labaadna waa in goobta doorashada amnigeeda la sugo, lana yareeyo ciriiriga gaadiidka ee magaalada." Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa musharaxiinta iyo dadka reer Garoowe ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga, si doorashada ay qaab nabada ugu dhacdo.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in la joojiyay isu socodka gobolada iyo deegaanada Puntland, laga bilaabo saqda dhexe ee caawa, ayna socon doonto illaa gelinka dambe ee Isniinta, marka ay soo dhammaato buu yiri doorashada.
"Waa xaalad amniga la xiriirta amaradaasi yimid dhammaan gobolada oo dhan." Ayuu yiri General Muumin Cabdi Shire, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
Ciidamo fara-badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka soo gala Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe, halkaas oo la fillayo in lagu doorto Madaxweynaha xigga ee maamulka.


