Barakac ballaaran oo ka soconaya Baalbek, xilli dagaalka Xisbullah iyo Israel uu xoogeysanayo

Barakac ballaaran ayaa laga soo sheegaya Magaalada Baalbek ee bariga dalkaasi Lubnaan, ka dib markii Militariga Israel ay dadka rayidka ah ku wargeliyeen inay banneeyaan magaaladaasi.

Militariga Israel ayaa maanta amar ku bixiyay in dhammaan dadka degan magaalada qadiimiga ah ee Baalbek ay isaga baxaan, ka hor inta aysan dhicin weeraro la filayo inay ka fuliyaan diyaaradahooda dagaalka.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo dadka degan magaalo ku taala dalkaasi lagu amro in ay ka wada baxaan, ka dib amaro barakacin oo toddobaadyadii la soo dhaafay lagu hayay qayb ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalooyinka qaar ee dalkaasi oo Caasimadda Beirut ay ku jirto.

Baalbek oo Xisbullah ay ku xoogan tahay ayaa waxaa ku yaala qaar ka mid ah macbadyada taariikhiga ah ee Roomaanka amaba macbadyada Roomaanka, kuwooda ugu weyn ee adduunka.

Hay'adda UNESCO ayaa magaaladan ku dartay liiskeeda goobaha dhaxalka ee adduunka. Magaaladan ayaa waxaa la sheegaa in ay dhisan tahay kumanaan sano.

Saacado ka dib amarka Israel, ee ah in laga barakaco Baalbek ayay diyaaradaha dagaalka Israel bilaabeen inay garaacaan magaaladaasi.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay garaacayaan dhammaanba kaabeyaasha militari iyo dhaqaalaha ee ay Xisbullah ku leedahay dalka oo dhan.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa bartilmaameedyo ka fulinaya bariga & koonfurta Lubnaan iyo weliba koonfurta Caasimadda Beirut.

Goor sii horreysay ugu yaraan 10 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay duqaymo ka dhacay deegaanka Haret Saida oo u dhow magaalada koonfureed ee Sidon.

Xisbullah ayaa waxay dhankeedu duqaymo culus ku haysaa deegaanada waqooyiga Israel, oo si maalinle ah ay u weerarto.

Isku celcelis ahaan, Xisbullah ayaa la sheegaa in ay maalintii laba boqol oo gantaal ku weerarto inta badan waqooyiga Israel, iyadoo mararkoodna ay garaacdo magaalooyinka ku yaala bartamaha Israel oo Tel Aviv ay ka mid tahay.

Xoogaga Xisbullah ayaa maanta la sheegay inay diyaarado drones ah ku weerareen saldhig militari oo ku yaala koonfurta Magaalada Haifa. Magaaladan waa tan ugu weyn ee waqooyiga Israel.

Xisbullah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay si sax ah ugu garaacday saldhigaasi militari.

Xisbullaahida Lubnaan ayaa Axaddii soo saartay awaamiir lagu farayo shacabka Israel inay banneeyaan illaa 25 goobood oo ku yaala waqooyiga Israel, iyagoona uga digay inaysan ammaan ah. Goobahan waxaa ka mid ah magaalooyin, deegaano iyo tuulooyin dhan oo la degan yahay, waxayna Xisbullah ay shacabka ugu yeertay inaysan dhibane u noqon weerarada ay sheegtay inay ballaarineyso.

Duqaymaha labada dhinac ayaa barbar socda dagaal dhinaca dhulka ah, oo Ciidamada Israel iyo kuwa Xisbullah ku dhex maraya deegaanada xuduudda ee labada dal.

Dagaalka dhulka oo bishii koowaad geba-gabo ku dhow ayaa si xiriir ah uga socday deegaanada xuduudda, mana jirto wax horumar ah oo Militariga Israel ay ka sameeyeen dagaalkaasi, maadaama uu qorshahoodu ahaa inay fariisimo ka sameystaan gudaha xuduudda Lubnaan, si halkaasi Xisbullah looga fogeeyo.

Iska caabinta xoogga badan ee Xisbullah ayaa muujisay awoodeeda ciidan ee horumarsan.

Si kastaba ha-ahaatee Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay inay aad u kordheyso tirada dadka rayidka ah ee ku dhimanaya weerarada xagga cirka ee Israel.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tan iyo 8-dii bishii October ee sanadkii hore ay duqaymaha Israel ku dhinteen 2,710 qof, 12,592 kalena ay ku dhaawacmeen.

Inta badan dadkan ayaana duqaymaha ku dhintay dhowr iyo soddonkii maalmood ee ugu dambeysay, markaas oo Israel ay ballaarisay duqaymaheeda dalkaasi.