Bezalel Smotrich: Gaza waxay noqon doontaa qayb ka mid ah Israel

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa sheegay in Tel Aviv ay dib ula wareegi doonto Marinka Gaza, si Gaza ay u noqoto sida uu yiri qayb ka mid ah Israel.
Bezalel Smotrich oo ah hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee National Union–Tkuma ee isbahaysiga la ah Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay taageero buuxda ka haystaan Madaxweyne Donald Trump, isagoo tixraacaya farriintiisii ugu dambeysay ee Isniintii ee la xiriirtay in Xamaas ay dhammaan maxaabiista Israeliyiinta sii deyso ugu dambayn maalinta Sabtida ah, haddii kalena ay Israel ka bixi doonto heshiiska xabad joojinta.
"Haddii ay wax ku dhacaan maxaabiista, mid kasta oo wax ku dhacaan, Israel waxay la wareegi doontaa boqolkiiba shan (5%) oo dhulka Gaza ah." Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Israel.
Wasiirka ayaa soo jeediyay in gebi ahaanba biyaha iyo korontada laga jaro dadka Gaza, lana joojiyo nooc kasta oo gargaar ah oo Gaza la gaynayo.
"Gaza waxay ku soo laaban doontaa gacanta Israel, maxaa yeelay waa dalkeenna. Tani waa habka keliya ee lagu xaqiijin karo badbaadada muwaadiniinta Israel iyo ammaanka Israel." Ayuu yiri Smotrich.
Israel ayaa Gaza ku qabsatay dagaalkii ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii, waxayse ciidamadeeda kala baxday sanadkii 2005, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay gacanta ku hayeen.
Smotrich oo hoggaaminaya weerarada Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sheegay in ciidamadooda ay hadda u diyaarsan yihiin in saacado gudahood ay kula wareegaan Marinka Gaza, gaar ahaan waqooyigeeda.
Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda Israel ahna Hoggaamiyaha Xisbiga National Union–Tkuma ayaa wuxuu bogaadiyay qorshaha Trump ee Falastiiniyiinta lagaga rarayo Gaza.
Wasiirkan xagjirka ah ayaa Raysal Wasaare Netanyahu ka dalbaday in uu Golaha Wasiirada horkeeno qorshaha Trump ee Falastiiniyiinta lagaga sifeynayo sida uu yiri Marinka Gaza, si buu yiri si degdeg ah loogu ansixiyo, looguna dhaqaaqo fulintiisa.
Smotrich ayaa ah ninka hadda hoggaanka u haya Raysal Wasaare Netanyahu, khasabkana kaga dhigaya in dagaalka dib loo bilaabo bisha March.
Smotrich ayaa muddo dheer Netanyahu ku cadaadinayay inaysan xukuumaddu aqbalin heshiis si dhameystiran loogu soo afjarayo dagaalka Gaza, iyadoo aan laga adkaan Xamaas, haddii kalena uu xisbigiisu ka bixi doono dowladda ku dhisan taageerada isbahaysiga midigta fog.
Smotrich ayaa si joogta ah ugu celceliya in dowladda ay burburi doonto, haddii aan dagaalka dib loogu laaban marka uu dhammaado wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis isweydaarsiga.


