Blinken oo ku laabtay Israel, si wada hadalada xabad joojinta dib loogu bilaabo
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa maanta gaaray Israel, si uu Madaxda Israel ugu cadaadiyo inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka ee xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.
Washington ayaa dib u soo cusbooneysiisay dadaaladeeda ku saabsan in dib loo bilaabo wada hadaladii xabad joojinta Gaza ee hakadka galay, ka dib dilkii ay Israel toddobaadkii hore u gaysatay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Yahya Sinwar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa mar kale riixi doona isku dayada uu Aqalka Cad ku doonayo in Israel iyo Xamaas ay ku gaaraan xabad joojin.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Wasiir Blinken uu diiradda saari doono, sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Gaza, sii deynta la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Marinka Gaza iyo in la yareeyo dhibaatada shacabka Falastiin.
Blinken ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo madax kale, ka dibna uu booqan doono dhowr dal oo Carbeed.
Blinken ayaa safaro badan ku tegay Gobolka Bariga Dhexe, inkastoo uu dib uga laabtay isagoo wata caddeymo aan ku filneyn in labada dhinac ay si dhab ah diyaar ugu yihiin dhameystirka heshiiska xabad joojinta, ka gadaal markii aanay dabacsanaan la taaban karo ka muujin shuruudahooda xabad joojinta.
Socdaalkiisii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in ballanqaad la isku haleen karo uu ka helay Raysal Wasaare Netanyahu, walow uu dib kaga gacan seyray.
Booqashadan ayaa noqonayso tii 11aad ee Blinken uu ku yimaado Bariga Dhexe, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa la sheegay in muddada sanadka ka badan ee dagaalku uu ka socdo Marinka Gaza ay dileen 42,718 qof oo dad rayid ah, 100,282 kalena ay dhaawaceen.