Ciidamada Iran oo ballaarinaya weeraradooda ka dhanka ah Iran

Ciidamada Iran ayaa waxay u muuqdaan kuwo ballaarinaya weerarada ka dhanka ah Israel, waxayna haatan xoojinayaan gantaalaha ay xilliyada maalintii ku weerarayaan dhulka Israel, taasoo caqabad kale ku ah shacabka Israel oo habeenkii uu waqtiga ugu dhamaado kala carar iyo inay ku hoos jiraan goobaha gabaadka ee gantaalada laga galo.

Militariga Israel ayaa sheegay in Iran ay maanta 30 gantaal ku soo weerartay gudaha Israel, balse qaarkood la qabtay, qaarka kalena ay saamayn yeesheen, sida uu talisku qoraal ku sheegay, mana bixin wax faah faahin ah oo intaasi dheer.

Iran ayaa Talaadadan beegsatay goobo ku yaala Magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, waxayna dadka deegaanku sheegeen in ay maqleen qaraxyo waaweyn.

Inkastoo Maamulka Israel uu diiday in la duubo goobaha ay Iran beegsato, haddana muuqaalo ku faafay barraha bulshada ayaa muujinaya goobo ku yaala Tel Aviv oo gubanaya.

Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in ay qaadeen dhaawacyada shan qof, welina uu gurmadku socdo.

Taliska Ciidamada Iran ayaa mar kale ku baaqay in shacabka Israel ay ka baxaan dhammaanba magaalooyinka, bacdamaa aysan ku badbaadi doonin.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa wareysi uu xalay bixiyay ku sheegay in ciidamadiisu ay weli u baahan yihiin waqti ay ku burburiyaan nuclear-ka Iran iyo gantaalada ridada dheer ee dalkaasi.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa ku celiyay baaqiisa ah in shacabku ay dulqaataan, si ay u xaqiijiyaan hadafkooda dagaalka.

Maamulka Netanyahu ayaa sheegaya in toddobaadyo ay nuclear-ka Iran kaga dhigi doonaan mid aan shaqeyneyn.

Lama oga, sida shacabka Israel ay ugu dulqaadan karaan xaaladdan, haddii Iran ay sii wadi doonto jawaabaheeda ku aaddan weerarada kaga imanaya Israel.

Shacabka Israel ayaa walaac ka muujinaya dagaalkan iyo xirnaanshaha garoomada diyaaradaha, iyagoona u arka in ay dhexda kaga jiraan xaalad aad u khatar badan.

Israel ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in la xiray garoomada diyaaradaha, iyadoo ka warqabtay in Iran ay ka aargudan doonto, ka gadaal markii ay bilowday in ay garaacdo goobaha nuclear-keeda iyo xarumaheeda militariga.

Dowladaha shisheeye ayaa muwaadiniintooda ku amray in ay si degdeg ah uga baxaan Israel, iyadoona waddada keliya ee Israel looga bixi karo ay tahay dhinaca dhulka ama wadamada deriska, walow shacabka Israel ay qaarkood bilaabeen in ay ku baxsanayaan doomo, iyagoo adeegsanaya safarka badda, si ay u gaaraan Jasiiradda Qubrus (Cyprus) iyo Giriiga.