Ciidamada Israel oo qoys ka kooban shan qof ku dilay deegaanka Rafah ee Gaza

Ciidamada Israel ayaa dhacdo kale oo naxdin leh ka gaystay Marinka Gaza, ka dib markii ay duqeeyeen guryo la degan yahay oo ku yaala deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay xalay duqayn xoogan ka gaysteen deegaanka Rafah, isla-markaana ay dileen 12 qof.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa qoys ka koobnaa aabe, hooyo, laba wiil iyo gabar ay dhalleen.

"Shanta qofba ma jirin cid badbaaday, ka dib markii la beegsaday gurigii ay deganaayeen. Gabadha dhimatay waxay jirtay afar bilood oo keliya." Ayuu yiri Mohammed Yussef oo ay ehel ahaayeen qoyskaasi.

Taliska Militariga Israel ayaa dhawaan sheegay in ay isku diyaarinayaan hawlgal militari oo dhameystiran, oo sida ay sheegeen ay ku qaadayaan Rafah oo dhacda xadka Gaza iyo Masar.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay inaanay ka baaqsan doonin hawlgalka dhinaca dhulka ee Rafah, si ay uga takhalusaan Ururka Xamaas.

Dhulka ciriiriga ah ee Rafah ayaa waxaa hadda gabaadsanaya 1.5 milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda.

Rafah oo ah meeshii ugu dambeysay ee Gaza ayaa waxay hoy u tahay inta badan dadka reer Gaza, oo tiradooda lagu qiyaaso 2.3 milyan oo qof.