Ciidamada Israel oo si khasab ah looga saaray qaybo ka mida Gaza

Ciidamada Israel ayaa isaga baxay deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, ka dib billo ay ka socdeen dagaalo lagu riiqmay. 

Ciidamada Israel oo wata taangiyadooda dagaalka ayaa Axaddii isaga baxay deegaankaasi, ka dib dagaal faraha looga gubtay oo Sabtidii looga dilay 14 askari, tiro kalena looga dhaawacay.

Ciidamadan ayaa si weyn u burburiyay Khan Yunis, iyagoo aan xitaa gacanta ku soo dhigin xubin ka tirsan xoogaga wax iska caabinta.

Iyadoo Warbaahinta caalamiga ah ay qoreyso in Ciidamada Israel ay ku jabeen dagaalka Khan Yunis, khasaare lixaad lehna lagu gaarsiiyay ayay masuuliyiinta Israel sheegayaan in ciidamadooda ay qorshe uga soo baxeen deegaanka ugu weyn ee koonfurta Marinka Gaza.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in ciidmaadu ay si xeeladeysan uga soo baxeen Khan Yunis, dagaalka ka socda Gaza-na ay ballaarin doonaan.

Waxa uu sheegay in ciidamadu ay khasab ku noqotay inay u diyaargaroobaan hawlgalo uu sheegay in la qaadi doono mustaqbalka dhow.

"Ciidamadii ka hawlgalay Khan Yunis iyo cutubyadooda ayaa shaqadii ay halkaasi ka qabteen ahayd mid aad loola cajabay. Garaacidda loo gaystay argagixisada, burburinta bartilmaameedyada cadowga, bakhaarada hubka & godadkii ku yiilay dhulka hoostiisa, xarumaha iyo qolalkii ay hawlgaladoodu ka maamulayeen, dhammaan arrimahani waxay ahaayeen kuwo guulo laga gaaray." Ayuu yiri Wasiir Gallant.

Gallant ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay hadda isu diyaarinayaan guluf dhinaca dhulka ah, oo sida uu sheegay ay ku qaadayaan deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Gaza, waana goob ay haatan gabaadsanayaan dad tiradooda lagu qiyaasay 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo horaan si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda, loona sheegay in halkaasi ay taggaan. 

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee ay ku barakaceen inta badan dadka reer Gaza, iyadoona dunida ay walaac xoogan ka muujisay duulaanka ku wajahan Rafah.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi ayaa isna sheegay in ka bixitaankooda qaybo ka mid ah Gaza aysan ka dhignayn in dagaalka uu dhammaaday, waxaana uu ku hanjabay in dagaalka uu sii daba dheeraan doono.

"Ciidamadu waxay u diyaargaroobayaan hawlgaladooda daba galka. Dagaalka Gaza wuu sii daba dheeranaya, waana mid ka fog inaan joojino." Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Madaxdii Xamaas weli way dhuumanayaan, waana qaban doonnaa, ha dhowaato ama dheeraato. Ka taggi mayno qayb kasta oo Xamaas kaga sugan tahay Gaza, qorshe ayaana wadnaa, waana ku dhaqaaqi doonnaa, marka aan go'aansano."

Si kastaba ha-ahaatee Khan Yunis ayaa xudun u ahayd furimaha ay ka dagaalamayaan Ciidamada Israel ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa bishii December guluf ballaaran ku qaaday Khan Yunis, ka dib markii Tel Aviv ay sheegtay in halkaasi ay ku dhuumanayaan Madaxda Ururka Xamaas, iyagoona aan xaqiijin ujeedadii ay halkaasi u weerareen.

Ciidamada waxay iminka Khan Yunis isaga baxeen, iyagoo uu jab weyn ka soo gaaray dagaalkii ugu qaraaraa ee ay ka galaan Marinka Gaza, illaa iyo hadda inta la ogyahay.