Ciidamada Jabuuti oo bilaabay hawlgalo lagu raafayo dadka soogalootiga

Ciidamada amniga ee dalka Jabuuti ayaa dalkaasi ka bilaabay hawlgalo lagu soo qabqabanayo dadka sida sharci darrada ah ku jooga dalka.

Warbaahinta afka Dowladda Jabuuti ku hadasha ee RTD ayaa sheegtay illaa iyo hadda in hawlgalada socda lagu soo xiray qiyaastii saddex kun (3,000) oo qof, loona daadgureynayo xarumaha ay dowladdu u qorsheysay in dalka looga musaafuriyo gaadiidka xamuulka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Saciid Nuux Xasan ayaa sheegay in maalinimadii shalay ciidamada la faray inay fuliyaan hawlgal degdeg ah, oo lagu la dagaalamayo buu yiri dembiyada iyo ka ganacsiga badeecadaha sharci darrada ah ee Magaalada Djibouti qaybteed.

Wasiirka oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ayaa tibaaxay in dalka ay buux-dhaafsheen qulqulka dadka socotada ah ee ka imaanaya dalalka deriska, isagoo intaa ku daray in sanadkii hore oo keliya ay dalka si sharci darro ah ku soo galeen 220,000 oo qof.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Jabuuti ay go'aansatay in ay qaaddo tallaabo lagu ilaalinayo amniga dalka iyo badqabka shacabka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ciidamadu sii wadi doonaan hawlgalada lagu xakameynayo qulqulka dadka dalka imaanaya.

“Hawlgaladu way ka sii socon doonaan dhulka Jabuuti oo dhami." Ayuu yiri Saciid Nuux Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti.

Wasiirka ayaa carab dhabay in dadka dalka ka shaqeeya, balse aan sharciga lahayn ay diiwaangelin doonaan, lana siin doono ogolaansho ay dalka uga sii shaqeeyaan, ha yeeshee ay tahay in shirkadaha ay u shaqeeyaan ku soo wargeliyaan dowladda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dadka aan shaqada u joogin dalka ay ku wargelinayaan in muddo bil ah ay dalkaasi uga baxaan.

Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku taalo marin muhiim ah ayay muhaajiriin badan u adeegsadaan marin ay kaga sii gudbaan dalalka kale, halka kuwo kalena ay ugu nagaadaan, si ay uga shaqeystaan.

Dalkan yar ee dhaca Geeska Afrika ayaa la ciirciiraya qulqulka dadka soogalootiga ah.