Ciidamada Ruushka oo qarka u saaran inay la wareegaan Magaalada Pokrovsk

Ciidamada Ruushka ayaa qarka u saaran inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta Magaalada Pokrovsk ee dalkaasi Ukraine, ka dib toddobaadyo ay guluf ballaaran ku hayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ruushka ay burburiyeen inta badan difaacyadii Ciidamada Ukraine ee magaaladaasi, isla-markaana ay magaaladu tahay mid gebi ahaanteeduba go'doonsan.

Ciidamada Ruushka oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa hore ugu sii socda magaalada, inkastoo meelaha qaarkood ay weli iska caabin kala kulmayaan.

Taliska Militariga Ukraine ayaa Axaddii sheegay in ay ciidamo u daabuleen magaalada bariga dalkaasi ku taala ee Pokrovsk, mana cadda sida ay ku suurtageli karto in ay gudaha u galaan magaaladaasi, haddii Ciidamada Ruushka ay ku sugan yihiin waddooyinka soo gala oo dhan.

La wareegitaanka Militariga Ruushka ee Magaalada Pokrovsk ee Gobolka Donetsk ayaa guul darro istiraatiiji ah ku ah halgankii Ukraine ay ciidamadeeda ugu jireen inay dib ula wareegaan dhulkii looga qabsaday dagaalka.

Ciidamada Ruushka oo sanadkii afaraad duulaan ku haya dalkaasi ayaa dagaalka kula wareegay in ka badan shan meelood oo meel (20%) ee dhulka Ukraine.

Baarlamaanka Ruushka ayaa bishii October ee sanadkii 2022 ansixiyay hindise ay Moscow ku qarameynayso afar ka mid ah gobolada dalkaasi, taas oo sharci ka dhigeysa sida uu qabo Aqalka Kremlin-ka in ciidamadu ay qabtaan goboladan oo kala ah Donetsk, Luhansk, Kherson iyo Zaporizhzhia, si loogu soo daro dhulweynaha Ruushka.