Ciidamada Suuriya oo laga la wareegay inta badan gacan ku haynta Aleppo
Ciidamada Dowladda Suuriya ayaa halis ugu jira inay lumiyaan gacan ku haynta Magaalada Aleppo, ka dib markii kooxaha fallaagada ee dalkaasi ay culeys weyn soo saareen magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in fallaagadu ay hadda la wareegtay inta badan magaalada, dagaalkana uu ka socdo dhul yar oo Ciidamada Dowladda ay isku dayayaan in ay difaacdaan.
Warbaahinta gobolka ayaa ku warameysa in jabhadaha ka soo horjeeda Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad oo xoog gudaha ugu soo galay magaalada ay ku dhow yihiin inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynteeda.
Magaalada Aleppo oo sidoo kale loo yaqaano Xalab (Halab) ayaa muhiim u ah dowladda dalkaasi ka arrimisa.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa qirtay in fallaagadu ay dishay tobanaan ka tirsan ciidanka, dagaalkuna uu weli socdo.
Fallaagada oo u badan Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) oo gacan ka helaya kooxaha kale ee ay gacan saarka leeyihin ayaa toddobaadkan qaaday weerarkii ugu weynaa, ka dib muddo sanado ah oo jabhaduhu ay ka soo horjeedeen dowladda.
Hayat Tahrir Al-Sham waa urur hubeysan oo Sunni ah, isla-markaana u janjeera dhinaca siyaasadda, kaas oo la aasaasay bishii January ee sanadkii 2017, waana urur ay ku midoobeen jabhado ku lug leh dagaalka sokeeye ee dalkaasi.
Guusha lama filaanka ah ee HTS iyo dardarta ay ku socdaan ayaa ka dambeysay carro ka dhalatay, ka dib markii Dowladda Shiicada ah ay ku guuldareysatay inay dib guryahooda ugu soo celiso shacabkii horey uga barakacay magaaladaasi.
Marc Pierini oo ah Safiirkii hore ee Midowga Yurub u joogay Suuriya iyo Turkiga ayaa sheegay in Dowladda Al Assad ay ku fashilmatay inay soo celiso nolosha muwaadiniinta, tan iyo markii ay magaaladaasi dib ula wareegtay bishii December ee sanadkii 2016.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in ku dhawaad saddex boqol oo qof ay ku dhinteen dagaalka Arbacadii ka bilowday dalkaasi. Kooxdu waxay sheegtay in 20 ka mid ah dadka dhintay ay shacab yihiin.
Xalab oo ah magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ayaa waxaa tirada dadkeeda lagu qiyaasaa laba milyan oo qof.
Dagaalka sokeeye ee dib uga soo cusboonaaday dalka Suuriya ayaa qarxay, maalintii koowaad ee ay Israel iyo Xisbullah bilaabeen inay dhaqangeliyaan heshiiskii xabad joojinta ee Mareykanka uu ka soo shaqeeyay.
Dagaalka ayaa imanaya, xilli xaaladda Gobolka Bariga Dhexe ay aad u cakiran tahay, kana dhalatay weerarada Israel ee Gaza, welina ay bilaa hubinti tahay inay sii shaqeynayso iyo in kale xabad joojinta la kala dhex dhigay Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan iyo Israel.