Ciidamada uu Turkiga taageero iyo Kurdiyiinta oo ku dagaalamaya dalka Suuriya
Ciidamada Xorta Suuriya ee Turkigu uu taageero iyo Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya oo loo yaqaano (Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ama SDF) ayaa ku dagaalamaya waqooyiga dalkaasi.
Labada dhinac ayaa la soo sheegaya in tan iyo Jimcihii ay ku dagaalamayaan tuulooyinka ku xeeran deegaanka Manbij oo hoostaga Magaalada Aleppo.
Xoogaga Kurdiyiinta ayaa daba-yaaqadii bishii December culeys soo saaray Manbij, taasoo loo arkayay inay hurin doonto dagaal ka dhex qarxa labada dhinac.
Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in 101 qof ay ku dhinteen dagaalka, kuwaa oo 85 ka mid ah ay ka tirsan yihiin sida ay kooxdu sheegtay ciidamada uu Turkigu taageero.
Ciidamada Xorta Suuriya ayaa door weyn ka qaatay dagaalkii ay hoggaamineysay Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) ee xukunka lagaga tuuray Madaxweyne Bashar Al Assad.
Xoogaga Kurdiyiinta ayaa isku dayaya in ciidamadaasi ay ka riixaan deegaanada ku dhow dhow xadka woqooyi ee Suuriya la wadaagto Turkiga.
Xoogagan oo u badan dagaal-yahanada YPG ayaa waxaa hubeeya Mareykanka, waxayna ciidamadiisa ku sugan Suuriya ka caawiyaan la dagaalanka Daacish.
Turkiga ayaa Xoogaga YPG ku eedeeyay inay gabaad siinayaan jabhadda dalka Turkiga ka mamnuuca ah ee PKK. PKK ayaa tobanaan sano hoggaamineysay kacdoon ka dhan ah Ankara.
Militariga Turkiga ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada xuduudda ay la wadaagaan Suuriya, iyagoo sahay iyo saad gaarsiinaya ciidamada dagaalka kula jira Kurdiyiinta.
Militariga Turkiga ayaa sidoo kale xagga cirka ka garaacaya goobaha ay ku sugan dagaal-yahanada Kurdiyiinta ee loo arko in ay mucaarad yihiin.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa toddobaadkii hore Xoogaga YPG ugu yeeray in ay hubka dhigaan, ka hor inta aysan gacan adag kala kulmin ciidamadiisa.
Turkiga ayaa ka soo horjeedo in YPG ay qayb ka noqoto mustaqbalka siyaasadeed ee Suuriya, maadaama uu ku eedeeyay inay dooneyso in dalka ay kala qaybiso.
YPG ayaa ah qaybta ugu weyn ee Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya ee Mareykanka uu taageero, iyadoo Washington ay diidan tahay in dagaal-yahanadaasi ay kala tagaan.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa mar sii horreysay war ay soo saartay ku sheegtay in xoogagaasi ay abaabulayaan weeraro ka dhan ah Ankara, isla-markaana ay Ciidamada Turkiga qaadi doonaan tallaabooyin ka hortag iyo burburin ah.
Lama oga waxa uu ku dambayn doono masiirka dagaalka dib uga soo cusboonaaday dalkaasi.