Ciidanka Danab oo hawlgalo ka sameeyay Gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka iyo kuwa Nabad Sugidda Jubbaland ayaa hawlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa hawlgaladan ka sameeyay deegaanada Beerxaani, Qudus, Biibi iyo Maalka-dhaqajo, oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Danab ee qaybta Jubbaland, Carab Dheeg Axmed oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegay in hawlgaladaasi ay ku dileen 5 ka mid ah maleeshiyadaasi, halka mid kalena ay nolosha ku qabteen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Shabaabku ay deegaanadaasi ka soo abaabuleen weeraradii uu dhiigga badani ku daatay, ee ay dhawaan ka gaysteen deegaanada Janaay Cabdalle iyo Baar Sanguuni.

Hawlgaladan ayaa imaanaya, xilli Jubbaland ay diyaargarow ugu jirto wejiga labaad ee gulufka la doonaya in Shabaab lagaga sifeeyo deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin.