Dad si saf mareen ah loogu dilay gudaha Marinka Gaza

Hawlgalka Militariga Israel ee Marinka Gaza ayaa baalmarsan la dagaalanka kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, marka aad eegto in dadka rayidka ah si ula kac ah loogu beegsanayo meelaha ay degan yihiin.

Ciidanka Cirka Israel ayaa shalay illaa xalay qaaday weeraro ay si saf mareen ah ugu garaaceen qaybo badan Marinka Gaza ka mid ah, iyagoona ku dilay in ka badan 80 qof oo dad rayid ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen guryo la degan yahay oo ku yaala bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa shalay illaa xalay dhowr jeer garaacay xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza, iyadoona ay ku dhinteen 34 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyay Xafiiska Warfaafinta Gaza.

Xafiiska Warfaafinta Gaza ayaa sheegay in ka badan 50 qof oo kale in lagu dilay duqaymo ay Israel ka gaysatay deegaanada waqooyi ee Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeysay duqaymaha ka dhacay waqooyiga Marinka Gaza lagu dilay 50 carruur ah.

Militariga Israel ayaa sheegay in Izz Al Din Kassab oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xamaas lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.

Militariga ayaa sheegay in ninkaasi uu ka mid ahaa xubnihii ugu dambeeyay ee sarsare ee Xamaas oo ka masuulka ah isku xirka kooxaha iska caabinta ee Gaza.

Xamaas ayaa xaqiijisay geerida Kassab, kaasoo ay sheegtay in lala dilay gacanyarihiisa Ayman Ayesh, ka dib markii duqayn lagu la beegsaday baabuurkooda oo marayay Khan Yunis.

Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa sheegay in Gaza ay tahay in dib loo qabsado, isla-markaana ay Ciidamada Israel sii joogaan sanado badan, sida uu yiri.

Smotrich oo ka mid ah Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inaanan la soo afjari doonin colaadda Gaza, iyadoo aan laga adkaan sida uu yiri Xamaas.

Dhanka kale 15 ka mid ah Hay'adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha bani'aadantinimada ayaa Jimcihii ka digay in xaaladda ka jirta waqooyiga Marinka Gaza ay tahay mid aan macquul ahayn, iyagoo ka jawaabaya tallaabada ay Israel ku xanibeyso kaalmada bani'adantinimo.

Hay'adaha ayaa sheegay in weerarada ay Ciidamada Israel ku hayaan isbitaalada, shaqaalaha caafimaadka, shaqo joojinta ka dhanka ah kooxaha samatabixinta iyo duqaymaha joogtada ah ee xagga cirka ay uga sii darayaan masiibada bani'aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

Hay'adahan ayaa dhibaatada baahsan ee halkaasi ka jirta ku sheegay mid aysan suurtagal ahayn in laga jawaabo baaxadda baahiyaha dadka ku go'doonsan qaybaha waqooyiga Gaza.

"Xaaladda ka taagan waqooyiga Gaza waa mid aan caadi ahayn. Aagga waxaa lagu hayaa go'doomin muddo bil ku dhow, waxaana loo diiday gargaarka aasaasiga ah iyo saadka naf badbaadinta, iyadoo duqaymaha iyo weerarada kale ay sii socdaan." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen hay'ado ay ka mid yihiin WFP, WHO, UNICEF iyo Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka.

"Dhammaan dadka reer Falastiin ee ku nool waqooyiga Gaza waxay halis ugu jiraan inay u dhintaan cuduro, macluul iyo rabshado." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay "Agabyada aasaasiga ah ee nafaha lagu badbaadiyo lagama heli karo waqooyiga Gaza. Shaqaalaha bani'aadantinimada kuma nabad galaan inay shaqadooda qabsadaan, waxaana xanibay Ciidamada Israel iyo amni darro, si ay u gaaraan dadka u baahan."

Hay'aduhu waxay sheegeen in Ciidamada Israel ay si toos ah u beegsanayaan dadka rayidka ah, isla-markaana ay diyaaradahooda dagaalka garaacayaan meelaha ay gabaadsanayaan, waxay kaloo sheegeen in la weerarayo rayidka iyagoo badbaado raadsanaya iyo in dhallinyarada la xirxirayo, iyadoo lala aadayo goobo aan la garaneyn.

Ma jirto goob nabdoon oo ku taala Marinka Gaza, iyadoo rayidka lagu bartilmaameedsanayo meel kasta oo Gaza ah.