Dadka Gaza oo bilaabay inay dib ugu laabtaan guryahooda, xilli si xun loo burburiyay
Shacabka Falastiin ee ku nool Marinka Gaza ayaa maanta bilaabay in ay dib ugu laabtaan guryahooda, saacado uun ka dib, markii Gaza ay ka dhaqangashay xabad joojintii ay Xamaas iyo Israel ku heshiiyeen.
Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Gaza ayay Axaddan u suurtagashay inay deegaanadooda ku laabtaan, iyadoo uu burbur baahsan ka muuqanayo.
Inkastoo dadka Gaza ay ku faraxsan yihiin xabad joojintan ayaa waxay haddana ka walaacsan yihiin burburka xoogga leh ee ka muuqanaya guryahooda.
In ka badan 15 bilood oo dagaal ah, Israel ayaa burburisay inta badan guryihii la deganaa, kaabeyaasha rayidka iyo Xarumaha Qaramada Midoobey ee Marinka Gaza.
Dadka Gaza ayaa dagaalkan ku waayay wixii ugu muhiimsanaa ee noloshooda, sida in la dilay qaar badan oo ka mid ah kuwii ay jeclaayeen, burburinta ula kaca ah ee lagu sameeyay guryahooda, goobihii waxbarashada iyo weliba xarumahoodii shaqo.
Xabad joojinta maanta ka bilaabatay Marinka Gaza oo dhan ayaa dadka deegaanka u ogolaneyso in caawa ay ku seexdaan habeenkii ugu horreyay oo bilaa dagaal ah, ka dib wax ka badan hal sano oo Israel ay ku haysay duqaymo aan kala joogsi lahayn.
Ololaha militari Israel ee Gaza ayaa galaaftay nolosha 46,913 qof iyo dhaawaca 110,750 kale, oo u badan dumar iyo carruur, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Wasaaradda ayaa sheegeysa in laga cabsi qabo in khasaaraha uu intaasi ka badan yahay, maadaama ay jiraan in ka badan 10 kun oo qof oo lagu waayay burburka dhismayaasha.
Ciidamada Israel ayaan xaqiijin saddexdii hadaf ee ay ugu duuleen Marinka Gaza, iyadoona iska caabinta Falastiiniyiinta ay ka hor istaagtay in Gaza la qabsado.
Ciidamadan ayaa Gaza u weeraray burburinta Ururka Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqonin Israel.