Dadka reer Muqdisho oo loogu yeerayo in ay qaataan kaarka codbixinta

Dadka reer Muqdisho ee muddada lixda bilood sugayay kaarka codbixinta ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay si gaabis ah uga qaadanayay degmooyinkii ay iska diiwaangeliyeen.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa bartamihii bishii November Degmooyinka Gobolka Banaadir ka daahfuray bixinta kaarka codeynta, oo la siinayo dadkii isku diiwaangeliyay Doorashada Golaha Deegaanka.
Guddiga Doorashooyinka iyo Dowladda Federaalka ayaa Magaalada Muqdisho ka wada olole lagu wacyigelinayo inay dadku qaataan kaarka, si maalinta doorashada ay codkooda u dhiibtaan.
Dad gaaraya 923,220 qof ayaa isku diiwaangeliyay doorashada 25-ka bishan ka dhaceysa caasimadda.
Guddiga Doorashooyinka ayaa xalay war ay soo saareen ku sheegay in dadku ay xitaa maalinta Jimcaha ay kaarka ka heli karaan goobaha loogu diyaariyay.
"Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu ogeysiinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Gobolka Banaadir ee hore isku diiwaangeliyay, balse aan weli qaadan kaarka codbixinta, in goobaha kaarbixintu furan yihiin dhammaan maalmaha toddobaadka, oo ay ku jirto maalinta Jimcaha. Muwaadin, haddii aad maalmaha kale mashquul ku ahayd howlahaaga gaarka ah, fursad ayaad u haysataa inaad Jimcaha soo qaadato kaarkaaga codbixinta." Ayaa lagu yiri warka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa dadka doonaya inay codeeyaan, balse aan weli kaarka qaadan xusuusiyay inaysan xaq u yeelan doonin inay codeeyaan daba-yaaqada bishan, haddii aysan hadda kaarka qaadan.
"Ogsoonow qof aan haysan kaarka codbixintu xaq uma yeelan doono inuu codeeyo maalinta doorashada." Ayaa lagu yiri warka Guddiga Doorashooyinka.
Doorashadan ayaa waxay noqoneysaa tii ugu horreysay ee qof iyo cod ah ee laga qabto Magaalada Muqdisho, 57 sano ka dib.


