Dadweynaha Turkiga oo maanta u dareeraya doorashada madaxtinimada ee dalkaasi

Shacabka dalka Turkiga ayaa maanta u dareeraya doorashada baarlamaanka iyo midda madaxtooyada, oo ay si adag ugu loolamayaan muxaafidka iyo mucaaradka dalkaasi.

Shacabka ayaa safafka u galaya goobaha codbixinta, si ay codkooda u dhiibtaan, una soo doortaan hoggaamiyaha xigga ee dalkaasi.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo mar kale u tartamaya jegada madaxtinimada ayaa loolan adag kala kulmaya Hoggaamiyaha Mucaaradka, Kemal Kilicdaroglu.

Mucaaradka oo taageero ka helaya Mareykanka iyo Reer Galbeedka ayaa la fahamsan yahay inay isku baheystay, sidii ay meesha kaga saari lahaayeen Madaxweyne Erdogan.

Xog uruurin la sameeyay ayaa muujineysa in doorashada ay u muuqan doonto mid wareeg labaad la isla aadi doono.

Doorashadan ayaa lagu sheegay middii ugu adkeyd ee muddo tobanaan sano ah dalkaasi laga qabto.

Madaxweyne Erdogan ayaa labaatankii sano ee ugu dambeysay soo maamulayay siyaasadda dalka Turkiga.

Doorashadan ayaa mid muhiim ah uga dhigan Madaxweyne Erdogan iyo taageereyaashiisa, oo haddii uu ku guuleysto uu dalkaasi ku sii hoggaamin doono siyaasaddiisii uu jihada cusub ugu jiheynayay dalkaasi. 

Erdogan ayaa muddadii uu xafiiska joogay, waxa uu weyn ka beelay siyaasadda gudaha iyo midda dibadda ee Turkiga.